Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin katirsan maamulka G/Banaadir oo booqday degmada Cadaado

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 14, 2015
in Wararka
0
Mas’uuliyiin katirsan maamulka G/Banaadir oo booqday degmada Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Cadaado ayaa maanta kormeeray goobaha danta guud ee kuyaala magaalada Cadaado.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo ay wehliyaan Gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Cadaado Nuur Yarow Xayle mas’uuliyiin kale ayaa waxaa meelihii ay kormeerka ku tageen ka mid ahaa, Isbitaalka degmada, garoonka kubadda cagta, xarunta degmada iyo suuqyada magaalada Qaarkood.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Gudoomiye ku xigeenka ayaa u kuurgalayay xaalada nololeed ee bulshada deegaanka iyo horumarada ay sameeyeen, isagoo markii kormeerkiisu soo dhamaadana la hadlay warbaahinta Qaranka.

“Marka loo fiiriyo degmooyinka la mid ah xaalkeedu aadbuu u wanaagsanyahay, waxaa ka muuqda horumar balaaran oo la taaban karo, gobolka Banaadir waa caasimaddii Soomaaliyeed, sidaas darteed degmadan iyo degmooyinka kaleba waxaan leenahay calaaqaad ayuu yiri

“Isbitalka qaybihiisa kala duwan ayaan booqanay, baahidii ugu badneed ee uu naga codsaday inaan wax kala qabano agaasimaha waxaa ka mid ahayd in  Leyrka saaladda qaliinku uusan ahayn kii loogu talagalay, iyo in la helo Keydka Dhiigga”.

 

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda gobolka Banaadir ayaa qayb ka ahaa wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo Fedeaalka xukuumadda Soomaaliya oo wali ku sugan magaalada Cadaado.

 

Previous Post

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo ka warbixiyay safaro uu ku tagey dhowr dal

Next Post

Shir ku saabsan faa’iidada ceymisku u leeyahay bulshada oo maanta lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Shir ku saabsan faa’iidada ceymisku u leeyahay bulshada oo maanta lagu qabtay Muqdisho

Shir ku saabsan faa'iidada ceymisku u leeyahay bulshada oo maanta lagu qabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In