Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

15-ka May Waa Maalin Taariikhi Ah Oo An Ka Tirmeyn Xusuusta Ummadda Soomaaliyeed “Maqaal”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Ciyaaro dhex maray Wasiirro iyo Xildhibaanno lagu maamuusayay 15-ka May oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhalinyaradu waa laf dhabarka bulshada, xilliga dhalinyaranimaduna waa marka ugu haboon ee qofka looga faa’iideysto maskax ahaan iyo mururq ahaan, horumarka dalkastana waxa uu ku xiranyahay sida loo horumariyo aqoonta iyo wacyiga dhalinyarada.

Sanadkii 1943 ayeey aheyd markii dhalinyaro Soomaaliyeed ay dareemeen dhibaatooyinka gumeysiga kadibna ay si geesinimo leh ugu dhawaaqeen ururkii SYL, iyagoo adeegsanayay tab iyo xeelad kasta oo la isaga dulqaadayay heeryada gumeysigii reer Yururb.

Related posts

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

May 10, 2026
Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

May 10, 2026

Xisbigii Legada (SYL) waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah “Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah “Lega dei giovani Somali”.

Fikrad kasta oo keenta horumar waxaa bilaaba qof ama koox. Fikradda lagu as’aasay xisbiga SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeen ka ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo mudan in si gaar ah loo xuso, kuwaas oo aad u fiira dheeraa islamarkaana lahaa dareen wadiniyadeed oo ku qutoma Soomaalinimo.

Magacyada 13-kii dhallinyarada ahaa ee as’aasay SYL waxey kala ahaayeen .

1-Yaasiin Xaaji Cismaan

2-C/qaadir Sheekh Saqaawadiin

3-Maxamed Cismaan baarbe.

4-Maxamed faarax Hilowle.

5-Sayidiin Xirsi Nuur.

6-Maxamed Cali Nuur.

7-Daahir Xaaji Cismaan

8-Xaaji Maxamed Xuseen

9-Khaliif Hiidoow Macalin.

10-Cismaan Geedi raage.

11-Dheere Xaaji Dheere.

12-Maxamed Cabdala Xayeysi.

13-Cali Xasan Cali Barduuro.

Dhalinyaradaasi ayaa aas’aastay ururkii SYL sanadkii 1943-dii kadib markii ay ka dhiidhiyeen hagardaamooyinka gumeysiga,  waxeyna nasiib u yeesheen in halganki ururki SYL uu sabab u noqdo in dalkeena uu madaxbanaani buuxdo qaato 1960-kii.

Haddaba dhalinyarada wadaniyiinta ah ee aas’aastay ururka SYL waxey nooga tageen dhaxal aan duugoobin iyo taariikh aan marnaba ka tirmeyn quluubta ummadda Soomaaliyeed, waxeyna ku qoranyihiin diiwaanka lagu keydiyo taariikhda Soomaaliyeed baalashiisa dahabiga ah.

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa looga fadhiyaa iney ku daydaan dhalinyaradii aas’aastay ururka SYL kana soo horjestaan afkaaraha wax duminaysa sida qabyaalada iyo xagjirnimada, islamarkaana ay ku dadaalaan sidii dalkeena looga saari lahaa dhibaatada si ay taariiqda uga galaan baal dahab ah.

Waxaa Qoray. Mowliid Maxamed Sabriye

 

 

 

Previous Post

Qaban qaabada xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo ka socda Muqdisho

Next Post

Barnaamijka kulanka todobaadka oo uu marti ku ahaa wasiirka Bartoolka iyo Macdanta “Dhageyso+Sawirro”

Next Post
Barnaamijka kulanka todobaadka oo uu marti ku ahaa wasiirka Bartoolka iyo Macdanta “Dhageyso+Sawirro”

Barnaamijka kulanka todobaadka oo uu marti ku ahaa wasiirka Bartoolka iyo Macdanta "Dhageyso+Sawirro"

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-The Federal Government of Somalia reaffirms its full respect for the constitutional rights of citizens to peaceful assembly, expression,...

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Musharrax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan XFS ayaa ka codeeyay magaalada...

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Shacabweynaha deegaannada Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah saakay uga bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golaha...

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta loo asteeyay, si ay uga qayb galaan doorashada golayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In