Dhalinyaradu waa laf dhabarka bulshada, xilliga dhalinyaranimaduna waa marka ugu haboon ee qofka looga faa’iideysto maskax ahaan iyo mururq ahaan, horumarka dalkastana waxa uu ku xiranyahay sida loo horumariyo aqoonta iyo wacyiga dhalinyarada.
Sanadkii 1943 ayeey aheyd markii dhalinyaro Soomaaliyeed ay dareemeen dhibaatooyinka gumeysiga kadibna ay si geesinimo leh ugu dhawaaqeen ururkii SYL, iyagoo adeegsanayay tab iyo xeelad kasta oo la isaga dulqaadayay heeryada gumeysigii reer Yururb.
Xisbigii Legada (SYL) waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah “Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah “Lega dei giovani Somali”.
Fikrad kasta oo keenta horumar waxaa bilaaba qof ama koox. Fikradda lagu as’aasay xisbiga SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeen ka ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo mudan in si gaar ah loo xuso, kuwaas oo aad u fiira dheeraa islamarkaana lahaa dareen wadiniyadeed oo ku qutoma Soomaalinimo.
Magacyada 13-kii dhallinyarada ahaa ee as’aasay SYL waxey kala ahaayeen .
1-Yaasiin Xaaji Cismaan
2-C/qaadir Sheekh Saqaawadiin
3-Maxamed Cismaan baarbe.
4-Maxamed faarax Hilowle.
5-Sayidiin Xirsi Nuur.
6-Maxamed Cali Nuur.
7-Daahir Xaaji Cismaan
8-Xaaji Maxamed Xuseen
9-Khaliif Hiidoow Macalin.
10-Cismaan Geedi raage.
11-Dheere Xaaji Dheere.
12-Maxamed Cabdala Xayeysi.
13-Cali Xasan Cali Barduuro.
Dhalinyaradaasi ayaa aas’aastay ururkii SYL sanadkii 1943-dii kadib markii ay ka dhiidhiyeen hagardaamooyinka gumeysiga, waxeyna nasiib u yeesheen in halganki ururki SYL uu sabab u noqdo in dalkeena uu madaxbanaani buuxdo qaato 1960-kii.
Haddaba dhalinyarada wadaniyiinta ah ee aas’aastay ururka SYL waxey nooga tageen dhaxal aan duugoobin iyo taariikh aan marnaba ka tirmeyn quluubta ummadda Soomaaliyeed, waxeyna ku qoranyihiin diiwaanka lagu keydiyo taariikhda Soomaaliyeed baalashiisa dahabiga ah.
Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa looga fadhiyaa iney ku daydaan dhalinyaradii aas’aastay ururka SYL kana soo horjestaan afkaaraha wax duminaysa sida qabyaalada iyo xagjirnimada, islamarkaana ay ku dadaalaan sidii dalkeena looga saari lahaa dhibaatada si ay taariiqda uga galaan baal dahab ah.
Waxaa Qoray. Mowliid Maxamed Sabriye