kulan loogu diyaar garoobayo qaadista imtixaanaadka sanad dugsiyeedka 2014 iyo 2015 ee deegaannada Puntland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe, waxaanakasoo qeybgalay macalimiin iyo kormeerayaal waxbarasho oo loo diyaar gareynayo inay qaadaan imtixaanka shahaadiga
ah.
Agaasimaha imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarashada Puntland Axmed Saahid ayaa ugu horreyn ka warbixiyey tirada dadka loo diyaariyey qaadista imtixaanaadka iyo ardayda u fariisanaysa imtixaanka
sanadkaan.
“waxaa halkaan fadhiya boqol kormeere iyo kalkaaliye kormeere iyo boqol iyo konton ilaaliye dugsiga sare, dadkaas oo aan uga kala yeernay dhammaan deegaanada Puntland, waxay maanta halkaan ugu diyaargaroobayaan qaadista masuuliyadda imtixaanka sanad dugsiyeedkaan.
“Toban kun oo arday ayaa imtixaanka u fariisanaya, imtixaanka waxaa soo diyaariyey macalimiintii dugsiyada sare iyo dugsiyada dhexe ardayda u dhigayey ee caqligooda iyo garaadkooda iyo tayadooda
waxbarasho ogaa, waxaana ardayda u rajayneynaa guul iyo mustaqbal wanaagsan.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada puntland Maxamed Cali faarax ayaa ka hadlay imtixaanka iyo sida loogu diyaargaroobayo iyo masuuliyadda looga baahanyahay bulshada oo dhan inta uu imtixaanku
socdo.
“maanta oo ay taariikhdu tahay 20-may-2015 waa maalin weyn waxaan halkaan u joognaa inaan amba bixinno oo aynu la dardaaranno kormeerayaasha iyo ilaaliyeyaasha imtixaanka shahaadiga ah ee
fasallada sideedaad iyo laba iyo tobnaad,imtixaankaas oo ka dhacaya deegaannada Puntland oo dhan, waxaan rajaynaynaa inaad iska xajisaan masuuliyadda imtixaanka.