Kulan looga hadlayay Amniga iyo Is dhex galka Bulshada ayna kasoo qeyb galeen Maamulka mas’uuliyiinta gobolka Sh/Dhexe dadweynaha degmada iyo mas’uuliyiin kale ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
mas’uuliyiinta kulanka kaqeybagshay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Booliska,Mileteriga,iyo saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM eek u sugan gobolkaasi waxaana looga ahdlayay sidii wax looga qaban lahaa arimaha amniga & isdhexgalka Bulshada kaasoo muhiim u ah dadka ku nool degmooyinka gobolka oo ay ciidamada dowladuu ka saareen Argagaxisada Al_Shabaab.
Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in bulshada ay kala hadleen sidii isugu wacyigelin lahaayeen ka qeybqaadashada amaanka iyo horumarinta deegaankooda si ay wadajir wax ugu qabsadaan.
“Dhamaanteen Mas,uuliyad ayaa nawada saaraan Askariga iyo ilaa madaxdaba sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in in aan shacabka u adeegno si wadajir ah si aan u gaarno hadafkeena oo ah in gobolku horey u maro”ayuu yiri Axmed Meyre Makaraan”