Munaasabadan oo aheyd mid xariga looga jarayey suuq weyn oo bilihii ugu dambeeyay dhismihiisu uu ka soconayay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ayaa waxaa furitaankiisa kasoo qeybgalay qeybaha bulshada gobolka Baay iyo wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka kmg ah ee koonfur Galbeed Soomaaliya C/raxmaan Ibraahim Aadan sate iyo xubno kale oo ka socday hay’adda ILO oo mashuuracan hirgelisay iyadoo kaashaneysa dowladda Japan
Suuqan ayaa loogu talogalay in ay ku ganacasadaan dadka dib uga soo noqonayo xeryaha qaxootiga Soomaalida ee dalalka Yemen iyo Kenya kuwaasoo ay hay’adda ILO horay ganacsiyo yar yar uga hirgelisay magaalada Baydhabo.
Gudoomiyaha degmada Baydhabo Xassan Macalin Axmed Biikole ayaa hay’adda ILO iyo dowladda Japan uga mahadceliyay sida ay shaqo abuurka ugu sameysay dadkan iyo guud ahaan dadka kunool xaafadda wadajir ee suuqan laga sameeyay.
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya C/raxmaan Ibraahim Aadan Sate ayaa hay’adda ILO iyo dawlada Japan uga Mahad celiyey suuqan oo ah mid ay baahi weyn u qabeen dadka reer Baydhabo.