Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo maanta go’aanno cad cad ka soo saaray shirkadaha dhex daggan xayndaabka garoonka diyaaradaha Aden Cadde

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo maanta go’aanno cad cad ka soo saaray shirkadaha dhex daggan xayndaabka garoonka diyaaradaha Aden Cadde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 21, May, 2015….Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, kulanka ayaa looga hadlay barlamaanka Jubaland, Qaxootiga Yemen, Tala soo jeedin ku aadan shirkadaha degan Garoonka Diyaaradaha Aden Cade iyo Midaynta Qorshaha Qaranka.

Ugu horayntii golaha wasiirada ayaa ka dooday baarlamaanka cusub ee Jubaland, iyagoo tixgalinaya cabashoyinka ay muujinayaan qaar ka mid ah dadka deegaanka, waxaana goluhu uu go’aamiyey:

Related posts

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025

• Goluhu wuxu isku raacay in la saaro gudi dib u eegis ku sameeya cabashooyinka ka soo yeeraya Barlamaanka cusub ee Jubaland, gudigaasi waxaa uu daraasad ku samayn doonaa waxa dadku ay tabanayaan, kadibna wuxuu ku soo celinayaa golaha wasiiradda.

• Gudigan wuxuu la fariisan doono cid kasta oo ay khusayso arrimahaan, wuxuuna soo gudbin doonaa talooyin ku aadan sida ugu haboon ee xal midaysan looga gaari karo cabashooyinkaas.

Sidoo kale golaha wasiirada iyagoo ka jawaabaya dhibaatooyinka haysta qaxootiga ku dhaqan dalka Yemen, waxaa goluhu go’aamiyey in xubin kasta oo golaha ka mid ah uu ku tabaruco lacag gaaraysa 1,000 doolar, dhaqaalahaasna waxaa maamuli doona gudigii ku howlan gurmadka loo fidinayo qaxootiyada ka soo cararaya Yeman, waxaana dhaqaalaha ururintiisa loo xilsaaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte.

Dhanka kale Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada, ayaa golaha uga warbixiyey shirkadaha ka howl gala gudaha garoonka diyaaradaha Aden Cade, kuwaas oo qaarkood ay samaysteen deegaamo, halka qaarna ay degeen goobo ay leeyhiin wasaaradaha qaarkood, dood dheer kadib golaha wasiirada ayaa isku raacay qodobada hoos ku qoran:

• Si loo waafajiyo nidaamka Hay’adda Caalamiga ee Duulimaadka Rayidka (ICAO) waa in laga fujiyo siliga ku wareegsan meesha diyaaraduhu ka soo caga dhigtaan ama ka duulaan.
• Waxaa goluhu farayaa wasaardadaha ku shaqada leh, in shirkadaha degan xayndaabka garoonka laga qaado kirada dhulka ay ku shaqeystaan iyadoo laga soo bilaabayo waqtiga ay deggeen.
• Goluhu wuxuu farayaa wasaardaha ku shaqda leh in dib u eegis lagu sameeyo amniga garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa, wuxuuna si gaar ah u farayaa in deg deg wax looga qabto wixii amni xumo keenaya.
• Goluhu wuxuu farayaa Wasaardaha Maaliyadda iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha inay wixii khidmad canshuur ah oo ku waajibtay shirkadahaas intii ay daganaayeen gegida, in si deg deg ah loga soo xereeyo.

Ugu danbayntii golaha wasiirada ayaa warbixin ka dhagasytay wasiir ku xigeenka qorshaynta oo ay wasaaradiisu wado barnaamijka Midaynta Qorshaha Qaranka, waxaana ka mid ah qorshahaas in ( New Deal) uu noqdo qorshe qaran oo dowladu hogaaminayso, iyadoo laga duulayo baahida shacabka, wasaaraduhuna waxay soo gudbinayaan baahiyahooda si ay ula jaan qaadaan, waxaana qorshaan qayb ka noqon doono bulshada rayidka, dhalinyarada iyo maamulada ka jira dalka.

–—DHAMAAD—-

Previous Post

Suuq shaqo abuur looga sameeyay dad danyar ah oo Baydhabo laga hirgeliyay

Next Post

Bandhigga soo nooleeynta dhaqanka oo maanta lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Next Post
Bandhigga soo nooleeynta dhaqanka oo maanta lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Bandhigga soo nooleeynta dhaqanka oo maanta lagu qabtay Muqdisho "Sawirro"

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In