Sunday, August 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Garoowe oo lagu xiray suxufiyiin ka tirsan Idaacadda Daljir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 23, 2015
in Wararka
0
kulan looga hadlayay daryeelka caruurta darbi jiifka ah oo Garoowe lagu soo gabagabeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada amniga Garoowe ayaa barqanimadii saaka waxay xireen laba wariye oo u shaqeynayey idaacadda Daljir oo ah idaacad xarumo ku leh dhammaan deegaanada Puntland iyo Gobollada dhexe ee dalka, kuwaas oo ciidanka boolisku ay ka kaxeeysteen goobtooda shaqada.

Labada wariye ayaa midkood wuxuu Agaasime ka ahaa idaacadda Daljir xarumaheeda Boosaaso iyo Garoowe, waxaana lagu magacaabaa Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Gaardi), halka wariyaha kale oo lagu magacaabo Jamaal Faarax Aadan uu ahaa wariye ka tirsan idaacadda Daljir, mana jirto faah faahin rasmi ah oo laga hayo xarigga labadaas wariye.

Related posts

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

August 24, 2025

Haddaba waxaa xarigga wariyaasha cambaareeyey Ururka suxufiyiinta Puntland ee magaciisa loosoo gaabiyo MAP, kadib shir deg deg ah oo wariyaashu ay ku yeesheen xarunta idaacadda Daljir ee magaalada Garoowe, ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha ururka MAP Faysal khaliif Barre.

“Ururka saxafiyiinta Puntland wuxuu si adag u cambaareynayaa xarigga saakay lagu xiray magaalada  Garoowe Cabdiraxmaan Xuseen Xasan iyo Jamaal Faarax Aadan oo labaduba ka tirsan idaacadda Daljir, ilaa iyo haddana ma garanayno sabab loo xiray, waxaan u aragnaa xarigaasi inuu yahay xarig xad-gudub ku ah saxaafadda, sidoo kalena xad gudub ku ah sharciga iyo qawaaniinta Puntland, sidoo kalena xad-gudub ku ah xoriyadda uu dastuurka Puntland siinayo saxaafadda, waxaana maamulka Puntland ugu baaqaynaa inay si shuruud la’aan ah kusoo daayaan suxufiyiintaas oo ilaahadda aanan garanayn sababta ay u xiranyihiin”

Agaasimaha Guud ee idaacadda Daljir Axmed Sheekh Maxamed (Tallman) ayaa isna halkaas ka hadlay, wuxuuna cambaareyn dusha uga tuuray xarigga loo geystay labadaas wariye

“Waxaan is leeyahay waxaa loo xiray waxay tahay maxaa dadku u hadlayaan, maxaa dowladda loo dhaliilayaa, maxay  dadku u odorosayaan, waxa uu maamulku qabtay ama uu qabanwaayey, taasna waxay xad-gudub ku tahay xoriyadda saxaafadda” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Idaacadda Daljir.

Ilaa iyo hada maamulka Puntland wax war ah kama soo saarin xarigga labada wariye ee saakay lagu xiray saldhiga koontaroolka koonfure ee magaalada Garoowe.

 

Cabbdi  Xasan Awoowe

 

 

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Next Post

Xildhibaan ku baaqay in laga qeyb qaato shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Beledweyne

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Xildhibaan ku baaqay in laga qeyb qaato shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Beledweyne

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dekadda Muqdisho ku sheegay...

Wasaaradda Waxbarasha XFS oo maanta ku dhawaaqi doonta natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare

Wasaaradda Waxbarasha XFS oo maanta ku dhawaaqi doonta natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay wehliyaan Wasiirrada Dowlad Goboleedyada Dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In