Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Garoowe oo lagu xiray suxufiyiin ka tirsan Idaacadda Daljir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
kulan looga hadlayay daryeelka caruurta darbi jiifka ah oo Garoowe lagu soo gabagabeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada amniga Garoowe ayaa barqanimadii saaka waxay xireen laba wariye oo u shaqeynayey idaacadda Daljir oo ah idaacad xarumo ku leh dhammaan deegaanada Puntland iyo Gobollada dhexe ee dalka, kuwaas oo ciidanka boolisku ay ka kaxeeysteen goobtooda shaqada.

Labada wariye ayaa midkood wuxuu Agaasime ka ahaa idaacadda Daljir xarumaheeda Boosaaso iyo Garoowe, waxaana lagu magacaabaa Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Gaardi), halka wariyaha kale oo lagu magacaabo Jamaal Faarax Aadan uu ahaa wariye ka tirsan idaacadda Daljir, mana jirto faah faahin rasmi ah oo laga hayo xarigga labadaas wariye.

Related posts

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026

Haddaba waxaa xarigga wariyaasha cambaareeyey Ururka suxufiyiinta Puntland ee magaciisa loosoo gaabiyo MAP, kadib shir deg deg ah oo wariyaashu ay ku yeesheen xarunta idaacadda Daljir ee magaalada Garoowe, ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha ururka MAP Faysal khaliif Barre.

“Ururka saxafiyiinta Puntland wuxuu si adag u cambaareynayaa xarigga saakay lagu xiray magaalada  Garoowe Cabdiraxmaan Xuseen Xasan iyo Jamaal Faarax Aadan oo labaduba ka tirsan idaacadda Daljir, ilaa iyo haddana ma garanayno sabab loo xiray, waxaan u aragnaa xarigaasi inuu yahay xarig xad-gudub ku ah saxaafadda, sidoo kalena xad gudub ku ah sharciga iyo qawaaniinta Puntland, sidoo kalena xad-gudub ku ah xoriyadda uu dastuurka Puntland siinayo saxaafadda, waxaana maamulka Puntland ugu baaqaynaa inay si shuruud la’aan ah kusoo daayaan suxufiyiintaas oo ilaahadda aanan garanayn sababta ay u xiranyihiin”

Agaasimaha Guud ee idaacadda Daljir Axmed Sheekh Maxamed (Tallman) ayaa isna halkaas ka hadlay, wuxuuna cambaareyn dusha uga tuuray xarigga loo geystay labadaas wariye

“Waxaan is leeyahay waxaa loo xiray waxay tahay maxaa dadku u hadlayaan, maxaa dowladda loo dhaliilayaa, maxay  dadku u odorosayaan, waxa uu maamulku qabtay ama uu qabanwaayey, taasna waxay xad-gudub ku tahay xoriyadda saxaafadda” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Idaacadda Daljir.

Ilaa iyo hada maamulka Puntland wax war ah kama soo saarin xarigga labada wariye ee saakay lagu xiray saldhiga koontaroolka koonfure ee magaalada Garoowe.

 

Cabbdi  Xasan Awoowe

 

 

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Next Post

Xildhibaan ku baaqay in laga qeyb qaato shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Beledweyne

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Xildhibaan ku baaqay in laga qeyb qaato shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Beledweyne

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
0

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026
0

Muqdisho, 10 Luulyo 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo...

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

July 10, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu daah-furay xarunta dhexe ee Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In