Masuliyiintani ka tirsan maamulka galmudug oo ay wehliyeen wasiiro ka tirsan maamulka koofur Galbeed oo maalmahaan ku sugnaa magaalada galkacyo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabado lagu dhagax dhigayay ilaa laba mashruuc oo ay maalgalinayeen ururka caalamigaa ee USAidoo mareykanka ka dhisan iyo hay,addaTiis oo laga hleeyahay turkiga oo dhanka
mashaaricda horumarinta qaabilsan kuwaasi oo kala ahaa xarun lo yagleelayo ururka haweenka galmudug iyo dhismaha garoon kubadda kolayga oo lagu kordhinayo garoonka cayaaraha ee magaalada galkacyo.
Duqa dagmada Galkacyo ee maamulka Galmudug Bile Diini Cali ayaa ugu horeeyn ka hadlay munaasabada lagu dhagax dhigaya xarunta ururka haweenka galmudug waxaana uu faah faahiyay muhiimada mashruucan u leyahay bulshada.
“Anigoo ku hadlayo magaca dagmada galkacyo waxaan mahad balaaran uga celinayaa hay adda tiis mashiiriicda faraha badan ay ka fulisaya dagmada galkacyo maanta oo ah 25ka may 2015 waxaan madashaan utaaganahay dhagax dhiga xaruntii hooyooyinka galmudug ee loo dhisayo dagmada galkacyo waa ka hambalyeeyneeynaa hooyaduna waa aas aaska bini
aadamka”
Wasiirka wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug Sahro Maxamed Cali oo iyana qudbad ka jeedisay munaasabada ayaa ugu mahad celisay hay,adda tiis maalgalinta xarunta ururka haweenka Galmudug..cod
“Salaan ka dib waxaa maanta farxad ii ah inaan maanta joogno halkaan oo aan dhagax dhigno xaruntii haweenka Galmudug oo muddo badan aan usoo halgamayay sidii uu udhismi lahaa hay adda tiisna waan uga mahad celineeynaa mashruucaan oo qeyb ka ah mashaariicda lagu magac daray danguud”
Howlahani mashaaricda ah oo hay,adani ay ka fulinayaan magalada Gaalkacyo ayaa qeyb ka ah dadaalada maamulka Galmudug uu ku doonayo horumarinta adeegyada bulshada.
Sawir Qaade C/risaaq Maxamed Axmed Galkacyo