Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Horseed International University ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan kuna soo bandhigay faa’idada difaacashada buuga ee maraxlada qalin jibinta Jaamacada.
Madaxa Kuliyada Caafimaadka Dr Cusmaan Axmed Cumar (Nuune) oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa ugu mahadceliyay Ardayda difaacatay Buugooda iyo dhamaan ardayda kale ee muujiyayay dadaalka waxbarsho ee ay soo wadeen Afartasano, wuxuuna sheegay inay gaarayaan ardayda buuga difaacatay 430 arday oo kuliyado kale duwan ka qalin jebinayo.
waxaa kaloo hadal dheer ka jeediyay madaxa Kuliyada computer Sceince-ka Eng: Ibraahim faarax hiloowle oo si gaar ah ugu mahadceliyay ardayda qalin jabineyso.
Guddoomiyaha Jaamacada Horseed Abdikarim Maxamed Sheekh ayaa isna u mahadceliyay Ardayda dhamaan gaar ahaan B.A da, Kuliyadda maamulka Gacansiga. Computer Sceinceka, iyo Medicine ka , kuwaasi oo si geesinimo leh u soo afjaray dooda maanta ka dhacday howlka jaamacada Horseed,