Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku simaha madaxweynaha dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Qubaro iyo mas’uuliyiin ka socotay Q. M.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ku simaha madaxweynaha dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Qubaro iyo mas’uuliyiin ka socotay Q. M.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulammo kula qaatay quburro iyo mas’uuliyiin ka socota QM.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa xafiiska ku qaabilay quburro ka socota QM waxaana kulanka uu ku saabsanaa qorshayasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la xiriira arrimaha doorashooyinka la doonayo iney dalka ka qabsoomaan sanadka 2016ka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u sheegay quburrada ka socday QM in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay gaarsiinta dalkan iney ka dhacdo doorasho xor ah marka la gaaro 2016ka waxaana uu ka codsaday iney ku gacan siiyaan QM iyo beesha caalamka guud ahaanba sidii ay Soomaaliya ku gaari laheyd yoolkaas la hiigsanayo.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isaguna xafiiska ku qaabilay mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adda UNDP iyo UNSOM oo ah xafiiska jimciyada qurumaha ka dhaxeysa ee taageerrada Soomaaliya waxaana kulankaasi uu ku saabsanaa sidii loo taageeri lahaa guddiyada difaaca iyo amniga ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay howlaha horyaalla guddiyada Difaaca iyo amniga ee Baarlamaanka oo la doonayo iney ka taageeraan hay’adahan ay ugu muhiimsan tahay in guddiyadan saameyn muuqataa ku yeeshaan dadaallada la doonayo in la iskugu dhafo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Guddiyada Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa inta badan udub dhexaad u ah howlaha Baarlamaanka waxaana shaqooyinka guddiyada ay qabtaan intooda badan ka taageerra hay’adaha wadashaqeynta dhow la leh Baarlamaanka oo ay ugu horeyso hay’adda QM u qaabilsan hormarinta ee UNDP.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

R/wasaare ku xigeenka dalka oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa “Sawirro”

Next Post
R/wasaare ku xigeenka dalka oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa “Sawirro”

R/wasaare ku xigeenka dalka oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa "Sawirro"

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha...

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In