Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku simaha madaxweynaha dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Qubaro iyo mas’uuliyiin ka socotay Q. M.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ku simaha madaxweynaha dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Qubaro iyo mas’uuliyiin ka socotay Q. M.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulammo kula qaatay quburro iyo mas’uuliyiin ka socota QM.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan β€œJawaari” ayaa xafiiska ku qaabilay quburro ka socota QM waxaana kulanka uu ku saabsanaa qorshayasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la xiriira arrimaha doorashooyinka la doonayo iney dalka ka qabsoomaan sanadka 2016ka.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u sheegay quburrada ka socday QM in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay gaarsiinta dalkan iney ka dhacdo doorasho xor ah marka la gaaro 2016ka waxaana uu ka codsaday iney ku gacan siiyaan QM iyo beesha caalamka guud ahaanba sidii ay Soomaaliya ku gaari laheyd yoolkaas la hiigsanayo.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isaguna xafiiska ku qaabilay mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adda UNDP iyo UNSOM oo ah xafiiska jimciyada qurumaha ka dhaxeysa ee taageerrada Soomaaliya waxaana kulankaasi uu ku saabsanaa sidii loo taageeri lahaa guddiyada difaaca iyo amniga ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay howlaha horyaalla guddiyada Difaaca iyo amniga ee Baarlamaanka oo la doonayo iney ka taageeraan hay’adahan ay ugu muhiimsan tahay in guddiyadan saameyn muuqataa ku yeeshaan dadaallada la doonayo in la iskugu dhafo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Guddiyada Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa inta badan udub dhexaad u ah howlaha Baarlamaanka waxaana shaqooyinka guddiyada ay qabtaan intooda badan ka taageerra hay’adaha wadashaqeynta dhow la leh Baarlamaanka oo ay ugu horeyso hay’adda QM u qaabilsan hormarinta ee UNDP.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

R/wasaare ku xigeenka dalka oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa “Sawirro”

Next Post
R/wasaare ku xigeenka dalka oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa “Sawirro”

R/wasaare ku xigeenka dalka oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa "Sawirro"

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™, oo burcad-badeeddu 17-kii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In