Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Shiinaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Shiinaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu , Sabti, May 30, 2015- Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Khaalid Cumar Cali ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Ergey gaar ah oo ka socda Madasha Iskaashiga China-Africa ( Focac)  Mr. Liu Guijin oo ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda, ammaanka iyo fulinta mashaariic horumarineed .

Kulankan oo ay ka wada qeybgaleen Saraakiil ka kala tirsan Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Qorsheynta, halka dhanka dowladda Shiinaha ay goob-joog ahaayeen Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei Hongtian iyo diblomaasiyiin kale .

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Mr. Liu Guijin ayaa sheegay inuu Soomaaliya u yimid inuu arko horumarka ka jira , kelana hadlo dowladda Soomaaliya arrimaha ammaanka, horumarinta iyo iskaashi wadajir ah oo balaaran oo labada dal ay yeeshaan .

Dhankiisa, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay qorsheyneyso sidii ay u heli laheyd deeqaha horumarinta Dowladda China ay siiso Wadamada Africa , si loo fududeeyo howlaha dib u dhiska , maalgashiga iyo wax wadaaga labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha .

Mudane, Khaled Cumar Cali ayaa xusay in “ Focac” sanad waliba ay sameyso qoondo lacageed oo lagu horumariyo Africa , Soomaaliyana ay baahi weyn u qabto helidda qeybta ay ku leedahay barnaamijkaasi wax ku oolka ah , isagoo cadeeyay in Dowladda Shiinaha ay dalka ka fulin doonto qorshe balaaran oo dib loogu dhisi doono , laguna dayactiri doono dhismayaal iyo waddooyin .

Wasiiru dowlaha , wuxuu tilmaamay in Shiinaha ay tahay dowlad saaxiib la ah Soomaaliya , xiriir qoto dheerna ay leeyihiin labada dal , waxa uu yiri “ Soomaaliya oo ah dal hodan ah oo leh dhul bacrisan oo ku haboon beerashada iyo kheyraad dihan oo dhex ceegaaga badda iyo beriga , ayaa waxaanu dooneynaa inaanu helno qaab kheyraadkaasi lagu heli karo , loogana faa’ideyn karo dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.

DSC08139 DSC08141 DSC08142  DSC08144  DSC08147 DSC08148  DSC08158 DSC08161 DSC08165

 

Previous Post

Kulan looga hadlayay ka hortagga Argagixisada oo lagu qabtay Nairobi

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In