Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir Qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay

caqiil by caqiil
June 2, 2015
in Wararka
0
Shir Qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo uu horay u jiray heshiis sadax geesood ah oo dhex maray dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa maanta shir u dhexeeya saddaxdaan dhinac waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka kala socotay dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya sidoo kale Mas’uuliyiinta hay’adda UNHCR xafiisyadeeda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jamhuuriyadda Soomaaliya  Axmed Daahir Cabdikariim Nuur.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025

Shirka waxaa diiradda lagu saaray arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku  jira xeryaha dalka Kenya iyo sidii dib loogu soo celin lahaa dalka iyadoo aan la qasbeyn.

Axmed Daahir Cabdikariim Nuur oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay shirkaan iyo heerarkii uu soo maray iyo sidoo kale waxyaabaha uu uga duwan yahay kuwii ka horeeyay.

“Ajandaha qodobo badanaa ku jira  wixii mudo dheer baa jirta sanad  ayaa ka soo wareegatay oo aysan shirarku si toos ah u socon maadaama shirkii u dambeeyay wasiirada arimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya ay gareeyeen  heshiiskii ama sharciyadii gudigii ka shaqeyn lahaa arintaas  shaqadii la qaban lahaa ayaa hadda loo soo dejiyay“. ayuu yiri Nuur.

Macnaheedu ma ahan xoog qofkii raba weeyaan iyadoo tasiilaadka loo baahan yahay loo abaabulayo lala kaashanayo caalamka  marka in aysan dhicin muhiimadu waxay tahay  in aysan dhicin dadka Soomaalida ah sadax dhinac oo gaf ah waa mar ee dadkii qaxootiga ahaa dowladii Soomaaliyeed howshoodii uma soo jeedo  waa laba dowladda Kenya maalin walba in aysan dhihin dadkaani ma joogayaan ha baxaan qabkii ay ku noqon lahaayeen oo heshiis ah in lawado waa sadax oo dadka qaab wax loo qaban karo  oo wax tar u noqon kara”ayuu yiri Sarkaalkaasi”

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo caalamka kaashaneysa ayaa waday dhawaanahaanba dadaallo ay ugu jirto sidii muwaadiniinta qaxootiga ku ah dalal badan oo caalamka ah haba ugu badnaato Kenya ay dalka ugu soo celin lahayd, wuxuuna shirkaan ku soo beegmayaa iyadoo ay socdaan dadaallo Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen dalkooda loogu soo celin lahaa.

11 22 33 44

W/D: Axmed Cali Kaahiye

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan bad-qabka Saxafiga-SAWIRRO

Next Post

Fahamka khaldan eelaga haysto Qurba joogta Soomaalida ah oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post
Fahamka khaldan eelaga haysto Qurba joogta Soomaalida ah oo laga hadlay “SAWIRRO”

Fahamka khaldan eelaga haysto Qurba joogta Soomaalida ah oo laga hadlay "SAWIRRO"

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda, kaasoo ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In