Saturday, January 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bakiga dhexe ee Soomaaliya oo sheegay in dhamaadka sanadkan la soo celinaayo hantidii hakadka la geliyay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Bakiga dhexe ee Soomaaliya oo sheegay in dhamaadka sanadkan la soo celinaayo hantidii hakadka la geliyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bakiga dhexe ee Soomaaliya oo cuskanaya sharciga lambarkiisu yahay 130 ee 22/04/2012, soo baxay ayaa waxa uu Bankiga dhexe siinayaa mas’uuliyadda ah in uu maamulo deeqaha rasmiga ah ee Soomaaliya ay ka hesho caalamka, meelkasta oo ay tahay.

Kaddib markii la soo gabo gabeeyay heshiiskii Shulman Rogers ee 14/07/2014 ee uu la galay Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya taasoo ka dambeysay markii guddiga maamul wanaaga uu dabagal ku sameeyo hantida Soomaalida ee hakadka la geliyay.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

January 17, 2026
Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

January 17, 2026

Jawaabta rasmi ah oo ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka bixisay arrintan ayaa ah in guddiga maamul wanaaga oo kaashanayaan hay’adaha UNODC iyo World bank, lacagaha leys daba mariyay, iyadoo hay’adahaasina ay ku sameyn doonaan dabagal, isla markaana ay xogta la wadaagi doonaan Madaxweynaha, baarlamaanka, Golaha Wasiirada iyo guddiga horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa kala hadlay Wasaaradda Maaliyadda si uu uga caawiyo, ilaalinta hantida Qaranka, iyadoo kooxdan ay maamuli doono, isla markaana uu hogaamin doono Bankiga dhexe ee Soomaaliya, waxayna ka koobnaan doonaan Wakiilo ka kala socda Bankiga dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Hadaba si loo taageero kooxdan, dabagalkooda ku aadan dib u soo celinta hantida hakadka ku jirta, waxay caawimaad dheeri ah ka helayaan STAR, iyagoo qaadaya tallaabo sharci ah oo loo marayo lacagaha hakadka ku jira.

Hay’adahan waxay sii wadi doonaan inay ka talo bixiyaan hanaanka loo marayo lacagaha la doonayo in dib loo soo celiyo.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay dadaal u galeysaa soo celinta macluumaadka la xiriiray Shulman Rogers, waxayna dowladda isku dayi doontaa inay wada shaqeyn dhaw la yeelato Golaha maamul wanaagga.

Kooxda Qaranka, Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Xafiisyada Madaxweynaha. Ra’iisul wasaaraha iyo guddiga talinta Bankiga dhexe, waxa ay si joogto ah u wadaagi doonaan macluumaadkan, sidoo kale nidaamkan waxaa lala wadaagi doonaa bulshada Soomaaliyeed, iyada oo loo marinayo Warbaahinta gudaha.

Ujeedka kooxdan waa in la soo celiyo nus kamid ah hantida hakadka ku jirta ee Soomaaliyeed dabayaaqada sanadkan 2015-ta.

DHAMAAD

 

Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Al-Bashiir oo Shan sano kale loo dhaariyay

Next Post
Al-Bashiir oo Shan sano kale loo dhaariyay

Al-Bashiir oo Shan sano kale loo dhaariyay

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laasacaanood ku qaabilay, wafdi...

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Magaalada Laascaanood ee xarunta Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa caawa ka dhacay banaanbax weyn oo lagu taageeray midnimada iyo wadajirka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay odayaasha iyo wax-garadka maamulka Waqooyi Bari

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay odayaasha iyo wax-garadka maamulka Waqooyi Bari

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari oo uu...

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In