Wednesday, July 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Al-Bashiir oo Shan sano kale loo dhaariyay

caqiil by caqiil
June 2, 2015
in Wararka
0
Al-Bashiir oo Shan sano kale loo dhaariyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar  Xasan al-Bashir ayaa maanta oo Talaado ah waxaa loo dhaariyay shan sano oo kale in uu maamulo wadanka ka dib markii uu key guuleystay doorashadii bishii Abriil ee sanadkan lagu qabtay dalkaasi.

Munaasabada lagu caleemo saarayay oo lagu qabtay magaalada Khartuum ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi , madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe iyo Uhuru Kenyatta madaxweynaha Kenya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025

Madaxweyne Bashir, ayaa boqolkiiba 94 ka helay doorshadii guud ee ka dhacay dalka Suudaan inkastoo sida la sheegay ay qaadaceen kooxaha mucaaradka ah, Al-Bashiir ayaa waxaa doon doonaysa maxkamadda dambiyada dagaalka ah ee ICC.

71 sano jirkan ayaa shaqadiisii hore waxaa uu ka bilaabay askarinimo isagoo markii ugu horeysay loo dhaariyay golaha qaranka waxaana laga soo doortay magaalada Omdurman oo aan ka fogeyn caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum waxaa uu sidoo kale noqoday taliyaha ciidanka dalka.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa key lebista dharka hidaha iyo dhaqanka oo ah khamiis cad cimaamad iyo Tusbax waxaana uu key dhaartay Kutubka ama Musxafka Qur’aanka Kariimka ah.

Al-Bashir ayaa xukunka dalka Suudaan waxaa uu qabsaday sanadkii 1989 markaas oo uu taageero ka helayay kooxaha Islaamiyiinta ah balse waxaa uu key guuleystay doorasho ka dhacday Suudaan 2010–kii.

Dagaalo isir key salaysan oo ka bilowday gobolka galbeedka dalka Suudaan ku ee  Darfur sanadkii  2003 kaas oo dowladda Al-Bashii lagu eedeyay in ay taageero siisay mid kamid ah kooxaha key dagaalamayay Darfuur.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in  300,000 oo ruux lagu dilay dagaalada ka dhacayay gobolka Darfuur halka labo Milyan oo kalena ay ka carareen guriyahooda.

Maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC ayaa madaxweyne Al-Bashiir waxaa ay soo saartay warqadii lagu soo xiri lahaa sanadkii 2009 markii lagu eedeyay dambiyo ka dhanka ah aadanaha oo ka dhacay Darfuur hase yeeshee gaashaanka ayuu ku dhuftay eedeymahaasi.

 

Previous Post

Bakiga dhexe ee Soomaaliya oo sheegay in dhamaadka sanadkan la soo celinaayo hantidii hakadka la geliyay

Next Post

Jawaari “Xiriir ka duwan kuwa kale ayaa nagala dhaxeeya Talyaaniga”

Next Post
Jawaari “Xiriir ka duwan kuwa kale ayaa nagala dhaxeeya Talyaaniga”

Jawaari “Xiriir ka duwan kuwa kale ayaa nagala dhaxeeya Talyaaniga”

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay boqollaal ka mid...

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka qeybgalay...

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wafdi ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa  gaaray magaalada Jowhar, ee xarunta...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In