Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar Dhaqanka iyo Farshaxanka la xiriirra oo ardey Muqdisho looga furya “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 2, 2015
in Wararka
0
Tababar Dhaqanka iyo Farshaxanka la xiriirra oo ardey Muqdisho looga furya “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo qayb ka ah barnaamijka soo nooleynta Dhaqanka, Farshaxanka iyo Ciyaaraha oo ka socdey  qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir  ayaa tababar dhinaca Farshaxanka  loogu furay Arday ka kala socotay dugsiyada Degmadda C/casiis.

Gudoomiyaha Degmadda C/casiis Mudane Cismaan Muxyadiin Cali ayaa yir “ Wasiir halkaan waxaa fadhiya Afartan Iskool waxyaabaha loogu talagalay iney ku tartamaan ama ay muujiyaan waxa weeyaan wax ka tarjumaya Nabadda iyo Isbedelka ka jira Dalka khaasatan Caasimadda waa barnaamij aad u qiimo badan waxeynu ognahay dhawr sano ka hor waxa lagu tartarmi jiray ma ahan laabis iyo Jeesto Mastarad jeeso la qaato laguma tartami jirin waa guul”.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Md C/saaq Cali Yuusuf ayaa yiri “Sida Gudoomiyuhu sheegay  wax badan baa dagaal iyo dhib iyo qaxar lagu jiray dhallinyada halkaan fadhida oo wax baraneysa oo yar-yarka ah oo da’aadoodu  aanay shan iyo tobanka dhameyn waxaa horseed u ah in loo bilaabo nabaddii iyo wanaaggii sidaad la socotaan Dalkeena waqti badan ayuu colaad ku jiray waa laga qaxay ,  laakiin waddankii waa loo soo qaxay taas ayaa waxay muujineysaa  yididiilo ah in amniga  iyo nabadda ay soo noqoneyso”.

Ugu Wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudne C/llaahi Colaad Rooble oo furay Tababarka ayaa arrimahan ku tilmaamay  tababarka muhiimaddiisa“ hadaanan la abuurin beertii markii ay weynaato  tii bedeli lahayd oo   aanan laga fekerin tii kale siidii loo abuuri lahaa dhibaato ayaa imaaneysa kuna imaaneysa bulshada markaa bulshada waxaa laga soo dhisaa hoos een dhallinyada aadka u da’da yare e  hadda maskaxdoodu wax kasta qabaneysa marka hoos laga soo dhiso waxaan aaminsanahay in wax badan la qaba karo, Tababarkan ma ahan mid gobolka Banaadir ku eg, laakin waxaa la gaarsiin doonaa gobollada dalka oo dhan, si ay shacabka u fahmaan ahmiyadda nabadda ay leedahay”.

Bandhiggaan ayaa waxaa u ka socday Todobaadyadii la soo dhaafay Degmooyinka Gobolka Banaadir iyadoo dhallinyarada ka qayb-geleysa  ay  ku soo bandhigaan Dhaqanka, Farshaxanka iyo Ciyaaraha dalka Soomaaliya.

DSC01182

DSC01205

DSC01199

DSC01197

DSC01189

DSC01200

DSC01205

DSC01192

DSC01185

DSC01186

Previous Post

Jawaari “Xiriir ka duwan kuwa kale ayaa nagala dhaxeeya Talyaaniga”

Next Post

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In