Kulanka 1-aad ee Ergada maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud oo maanta si rasmi ah uga furmay hoolka shirarka ee madaxtooyada Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa Ergada loogu qeybiyay qorshayaasha horyaala, waxaana ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha guduha, gudiga farsamada iyo xildhibaano heer Federaal ah.
Xaliimo Ismaciil Ibraahim Gudoomiyaha guddiga farsamada ayaa ugu horeyn shirka furtay, waxaana ay sheegtay in Ergadu todobaadkan ay ka doodayaan nuqulada qabyo qoraalka Dastuurka KMG ee maamulka Mudug iyo Galgaduud, ka dibna ay ansxin-doonaan.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Cali Abtidoon Xalane ayaa Ergada kula dardaarmay inay fursadaha jira ka faa’iideystaan, oo dadka ay matalayaan u horseedaan inay maamul tiirar xoogan ku taagan u aas aasaan.
Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ergada looga baahanyahay inay si qoto dheer kaga baaraan dagaan Dastuurka la horkeenayo.