Tababarkani oo ka soconayey 3-dii Cisho ee la soo dhaafay magaalada Nairobi ayaa waxaa soo qabanqaabiyay bangiga aduunka, iyadoo lagu falanqeynayey sidii loo meel marin lahaa hindise sharciyeedka isgaarsiinta dalka oo haatan horyaala baarlamaanka Soomaaliya .
waxaana ka soo qayb galay tababarkani wasiir ku xigeenka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta jamaal Xasan Ismaaciil, guddoomiyaha guddiga isgaarsiinta baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Guddoomiye ku xigeenka guddiga isgaarsiinta baarlamaanka Cabdikaafi Macalin Xasan, Garyaqaanka guud ee Qaranka Cismaan Cilmi Guuleed iyo Xildhibaanada guddiga isgaarsiinta ee Baarlamaanka Soomaaliyeed, mas’uuliyiin ka socotay bangiga aduunka, iyo khubaro kale.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga isgaarsiinta baarlamaanka Cabdikaafi Macalin Xasan ayaa ka warbixiyay tababarkani iyo waxyaabaha ay ka faa,ideysteen, isagoo sheegay inay fursad u tahay gudi hoosaad-yada baarlamaanka aqoon kororsiga noocan oo kale ah.
Dhanka kale Garyaqaanka guud ee Qaranka mudane Cismaan Cilmi Guuleed ayaa dhankiisa tilmaamay ujeedada ka dambeysay Tababarkani qabsoomidiisa, in ay tahay sidii xildhibaanada Soomaaliya fikrad looga siin lahaa hindise Sharciyeedkani.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta mudane jamaal Xasan Ismaaciil ayaa soo xiray tababarka isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in sharciyad loo sameeyo isgaarsiinta wuxuuna aad ugu mahadnaqay dadkii ku hawlanaa mudadii burburka horumarinta isgaarsiinta dalka isagoo intaasi ku sii daray in sharcigani uu isku xidhi doono isgaarsiinta dowlada iyo shacabka soomaaliyeed .
Sawir Qaade:-Cabdiraxmaan Cumar Cabdi ( Cabdiraxmaan Soomaali ) Warbaahinta Qaranka Nairobi Kenya