Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Salah “Waxaan farayaa shirkadaha dhismaha in ay xuquuqda naafada ilaaliyaan” “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Salah “Waxaan farayaa shirkadaha dhismaha in ay xuquuqda naafada ilaaliyaan” “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Howlaha Guud, Dibudhiska iyo Guriyeynta ayaa amar ay soo saartay ku sheegtay in dhismayaasha guud iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ay khasab ku tahay in ay sameeyaan meelo dadka naafada ah ay ka geli karaan, musqulo ay ku xaajoon karaan iyo in loo sameeyo meelo u gaar ah oo ay baabuurta naafada ah kaliya la dhigan karo.

Wasiirka Howlaha Guud Inj. Saalax Sheekh Cismaan ayaa maanta hadalkaas ka yiri shir jaraa’id oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, xilligaas oo uu Wasaaradda booqday Maxamed Cali Faarax oo ah muwaadin u dooda xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

July 14, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

July 14, 2026

“ Bani aadamka Alle ayaa karaameeyay. In aan annaga karaameyn weyno waa wax aan fiicneyn. Waxaan farayaa dhamaan dadka iyo shirkadaha dhisanaya dhismayaasha guud iyo kuwa gaarka ah in ay sameeyaan meelaha dadka naafada ah ay ka gali karaan dhismayaasha sida kuwa danta guud, masaajidyada, musqulaha guud iyo xawaaladaha.” Ayuu yiri Inj. Saalax Sheekh Cismaan.

Dhanka kale, Maxamed Cali Faarax oo isaga shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dadka naafada ah ay qabaan dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay in gurigiisa mooyee uusan dhismayasha ka helin musqul uu gali kale ama uusan sida dadka kale fursad u heli karin in uu meelo ka mid ah goobaha dadweynaha geli karin.

Maxamed ayaa yiri “Markii aan arkay baahiyaha badan ee naafada heysato ayaa khasab noqotay inaan bilaabo olole aan xuquuqda dadka naafada ah ku raadinayo, Mararka qaar aniga oo magaalada jooga hadii aan u baahdo xaajo maleh musqul aan galno, Waa inaan gurigeyga ku soo xaajoodaa  Dadka naafada ah hadaan nahay waxaan codsaneynaa in xil la iska saaro xuquuqdeena Naafanimada ma aha macnaheedu inaana waxba qabsan karin.”

Waxaa lagu qiyaasaa dadka naafada ah ee dalka Soomaaliya qiyaastii inta u dhaxeysa 12-20%, Sidoo kale wax ka yar 1% ayaa taga goobaha waxbarashada, Wasaaradaha ay khuseyso  howlaha naafada ayaa sidoo kale laga dalbanayaa in ay u istaagaan wax ka qabashada howlaha naafada.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

Guddiga Isgaarsiinta Ee Baarlamaanka Dalka Oo Tababar Ugu Soo Xirmay Nairobi- SAWIRRO 

Next Post

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

July 14, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (SFF), ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), Mudane Cali...

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, ayaa maanta booqasho tacsi ah ku tegay Safaaradda...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulammo...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

July 14, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya | 14 Luulyo 2026: La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta Xafiiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In