Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Dowladda iyo Shacabka Jibuuti

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Dowladda iyo Shacabka Jibuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku Simaha Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Wasiirka Cadaalada mudane C/llaahi Axmed Jaamac Ilkajiir iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Dalka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa hambalyo u diray Shacabka walaalaha aynu nahay iyo Dowladda Jibuuti ee ku aadan maalinta Ciidamada Qalabka oo maanta ay u dabaal dageen .

Maanta oo ku beegneyd Xuska 38-guuradii ka soo wareegtay aasaaskiii ciidamada xoogga dalka Jabuuti ayaa waxaa dalka Jabuuti hareeyay munaasabado lagu xusayay maalintani islamarkaana lagu muujiyay muhiimada ciidamada ay u leeyihiin Qaranimada Jibuuti.

Related posts

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025

Ku Simaha Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Wasiirka Cadaalada mudane C/llaahi Axmed Jaamac Ilkajiir oo ka hadlay qiimaha maalintani ay u leedahay walaalaha Jibuuti ayaa sheegay in ay ay ugu hambalyeynayaan ka dowlad ahaan maalintani oo muhiimad gaar ah ugu fadhiso ciidamada qalabka sida ee Dowladda Jibuuti, wuxuuna si gaar ah uu ugu mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jibuuti sida wanaagsan ay u garab istaageen dadka Soomaaliyeed oo ay dhiigooda ugu hureen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isna dhankiisa hambalyo ku aadan maalinta ciidanka qalabka sida u diray shacabka,Dowladda, iyo guud ahaan ciidamada Jibuuti, wuxuuna ku ammaanay sida walaaltinimada leh ay u garab taaganyihiin Dadka Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay Dowladda jibuuti walaal dhab ah oo noo muujiyay walaaltinimo.

Magaalada Jibuuti ayaa maanta si weyn looga dareemay xuska maalinta Ciidamada Qalabka sida ee Jibuuti, iyadoo halkaasi ay ka dhacayaan fantasyo iyo dabaaldegyo lagu maamuusayo xuska maalinta Ciidanka Qalabka sida ee Jamhuuriyadda jabuuti.

 

Previous Post

Ololaha tallaalka cudurka dabeysha oo la daah furay

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In