Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kula kulmay Michele Cervone.{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kula kulmay Michele Cervone.{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha maamulka  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefdi uu hogaaminayey Safiirka Midowga Yurub  Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone.

Markuu uu soo dhamaaday Kullan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxwaynaha iyo safiirka ayey si wadajir ah ula hadleen Warbaahinta, waxana ay sharaxaad dheer ka bixiyeen qodobadii ugu muhiim sanaa oo ay kawada hadleen.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

”Waxyaabo badan ayaanu kawada hadalnay oo ay kamid tahay Xiriirka Puntland iyo EU, Mashaariicda Horumarineed ee ay midowga yurub Kawadaan Puntland iyo Shaqooyin badan oo EU la qabanyso Dawladda Puntland”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Midowga yurub oo Puntland ka taageera dhinacyada waxbarashada , kaabayaasha dhaqaalaha , maalgelinta wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe, taageerada shirka wada tashiga Puntland ee dhawaan lagu wado in uu qabsoomo , arrimaah oo idil ayey kawada hadleen dardar gelintooda.

Doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya ayey dhinaca kale si wada jir ah uga wada hadleen Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo  Safiirka Midowga Yurub  Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone.

” Waxaan arjaynaynaa in midowga yurub barnaamijyada dhaqaale ee ay Puntland kawadaan lasii ambaqaado lana dadajiyo , lana horumariyo ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas.

Danjire Michele Cervone ayaa dhankiisa  Puntland ku amaanay dadaalka horumarineed ee ka soconaya gudaha Puntlan iyo guulaha waaweyn ee laga gaaray kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab,

IMG_8038 IMG_8055 IMG_8136

Previous Post

Kulan dhiiri gelin ah loo soo sameeyay kooxaha fanka ee banaadir iyo Iftin “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In