Bandhigaan oo lagu qabtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo qaybaha bulshada waxaana uu ahaa mid ka kooban heeso, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo tartamo kale waxaana uu bandhigaani qayb ka ahaa soo nooleynta farshaxanka ,dhaqanka iyo hidaha ,
Bandhigu waxaa uu qayb ka yahay soo nooleynta hidaha iyo dhaqanka barnaamijyo ku saabsan oo wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya ay dhawaanahaanba ka waday gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle iyadoo uga go leh in la muujiyo nabada ka jirta dalkeena iyo in dhalintu is dhex gal sameeyaan.
Kooxaha Ifiye Band iyo Hodan Band ayaa soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed iyo heeso guugabin ah kuwaasi oo dhalinyarada loogu sheegayo in ay ka qayb galaan hormarka iyo in ay ilaaliyaan dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha degmada Hodan Xaawa kiin Maxamuud Cali oo goob joog ahayd bandhiga ayaa waxaa ay bogaadisay barnaamijkaan wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ay wado ee bulshada lagu wacyi galinayo laguna tusayo nabada dalka ka jirta waxaana ay u hambalyeysay labada kooxood ciyaar wanaagga ay soo bandhigeen .