Guddiga loo xilsaaray gurmadka badbaadinta iyo samatabixinta Qoxootiga soomaaliyeed ee dalka Yeman ayaa weli waxay wadaan dadaalo loogu gurmanayo dadkaasi, waxaana maanta lagu wareejiyay Qeyb Lagu Daaweeyo dadka Xanuunsan ee ka Soo Cararaya dagaalada ka socda wadankaasi oo key taala Isbitaalka Banaadir, iyo Lacag dhan 2000$ (22 kun oo Dolar) oo ay soo dhiibeen Ganacsato iyo jaaliyada soomaaliyeed ee Shiinaha.
Shiekh Cumar Sheekh Ibraahim oo wakiil ka ahaa dadkaasi ka damqaday Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka Yeman, isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin ka jaaliyad ahaan in markasto ay diyaar u yahiin in ay la shaqeeyaan gudiga gurmadka Qoxootiga.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah Guddoomiyaha Guddiga gurmadka iyo Samatabixinta Qoxootiga soomaaliyeed ee Yemen ayaa ugu mahadceliyay Ganacsata iyo jaaliyada sida dareenka wadanimo leh ay ugu soo gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed Ee dhiban.
Sidoo kale guddiga ayaa waxaa lagu wareejiyay qeyb lagu daweynayo dadka qoxootiga ah ee ka soo cararaya wadanka Yeman oo qeyb ka ah isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir, waxaana mas’uuliyiinta isbitaalka iyo xubnaha Guddiga Gurmadka ayaa ku soo wareegay Qeybta lagu wareejiyay iyo qolalka oo xilkaasi ay ku sugnaayeen dhaqaatiir Da’yar ah.
Luul Maxamed Maxamuud Madaxa Caruurta isbitaalka hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir ayaa sheegtay in gurmad dhaqaatir iyo dawa ah ay la garab taaganyihiin dadkaasi wlalalahooda dhibaataysan, islamarkaana umadda Soomaaliyeed u dirtay baaq ah in ay is gar gaaraan.
Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa mas’uuliyiinta isbitaalka iyo dhaqaatiirta Doonaya in ay gurmad u fidiyaan dadkaasi dhiban ugu mahadceliyay sida ay uga soo baxayaan kaalintooda.