Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku dhawaad Todobo kun Arday oo u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Ku dhawaad Todobo kun Arday oo u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku dhawaad Todobo kun oo arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ee ay Wasaaradda Waxbarashada Waxbarashada ka qaadeyso ardayda dhigata Dugsiyada sare ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya ahna Wasiirka Cadaaladda Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo ay wehliyaan Wasiirada Waxbarashada Khadra Bashiir Cali, Warfaafinta iyo dhaqanka Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Aminga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa si rasmi ah u furay qaadista Imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, si ardayda ay u helaan shahaadooyin mid ah oo Wasaaraddu aqoonsatahay.

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Sidoo kale Mnaasabadda waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad sugidda iyo Madaxsare oo ka tirsan dowladda, iyadoo ardayda ay imtixaanku ku galayeen dugsiga 15 May, waxaana ardayda u rajeeyeen in Imtixaanka uu Alle ku guuleeyo.

Sidoo kale Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Mudane Cabdullaahi Bile Nuur ayaa imtixaanka ka furay Iskuulkii hore ee farsamada ee Buulo-Tikniko, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ardayda aad u fara badan oo imtixaanka ka qeyb galaysay.

Sidoo kale Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu maanta Imtixaanka ka furay Jaamacadda Ummadda, halkaasi oo ay joogeen arday aad u fara badan, iyadoo ay jiraan Iskuullo kale oo uu kormeer ku sameeyay Wasiirka Cadaaladda, waxaana uu xusay inay tahay tallaabo lagu farxo.

Ku dhawaad 200 oo arday oo wax ka dhigta iskuulada magaalada Gaalkacyo ayaa iyana saaka u fadhiisantay Imtixaanka mideysan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbrashada, waxaana tani ay noqoneysaa mudd 24 sano kaddib in arday Soomaaliyeed ay u fadhiistaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare, iyadoo ay sidoo kale jiraan arday imtixaanka ku galeysay xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Magaalooyinka Cadaado, Beladweyne, iyo qaar kale ku yaalla bartamaha iyo koofurta dalka ayuu saaka si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka.

Sidoo kale magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa iyana waxaa ka bilaabatay Imtixaanka shahaadiga ee ay qaadayso Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya.

1 2  4 6 7  IMG_0784 IMG_0785    IMG_0802  IMG_0818     IMG_0825    

IMG_0840   

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Hiiraan oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo qoysaska ka soo laabanaya Yemen

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Maamulka Hiiraan oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo qoysaska ka soo laabanaya Yemen

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In