Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Odawaa oo Dhuusa mareeb u tagay xalinta tabashada Ahlu sunna {DHAGEYSO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadkii ka barakacay Guriceel “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi raxmaan Maxamed Xuseen {Odawaa} oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Galgaduud oo galabta gaaray magaalada Dhuusa mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in uu sheegay in uu u tagay magaalada Dhuusa mareeb in uu wada hadal la furo maamulka Ahlu Sunna waljamaaca ee iyagu diidan maamul u sameynta .

Wasiir Odawaa iyo mas’uuliyiinta la socota ee gaaray Dhuusa mareeb ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay qaybaha bulshada reer Dhuusa mareeb oo ay ku jiraan xubnaha mas’uuliyiinta ahlu sunna waxaana uu wasiirku la hadlay bulshada soo dhaweysay oo uu u sheegay in ay xudun u yihiin dhismaha maamulka gobolada Mudug iyo Galgaduud uuna ka codsaday in ay garab istaagaan oo ay doorkooda qaataan .

Mudane Odawaa wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka ayaa waxaa uu ku cel celiyay in loo baahan yahay isku tanaasul iyo in la garab istaago dowladnimada in loo sabro waxyaabo badan in loo baahan yahay ayuu soo jeediyay wasiirku wada hadal in uu la gali doono cid kasta oo wax tabaneysa ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/06/WAA-CODKA-WASIIRKA-ARRIMAHA-GUDAHA-EE-DHUUSAMAREEB.mp3
Previous Post

Dhageyso Warka Habeennmo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In