Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda darajada koowaad oo dambi ku weysay saraakiishii lagu eedeeyay in ay fududeeyeen qaraxii Hotel SYL-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda darajada koowaad oo dambi ku weysay saraakiishii lagu eedeeyay in ay fududeeyeen qaraxii Hotel SYL-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda  darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa u fariisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo haystay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska iyo nabad sugidda Soomaaliya 15-kii Bishaan kuwaas oo mudooyinkaan ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiishaan ayaa lagu eedeeyay in ay wax ka Ogaayeen Weerar Ismiidaamin ah oo 22-kii bishii Janaayo ka dhacay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho,kaas oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Waa kuwan magacyada saraakiisha;

1-Gaashale dhexe Maxamed Daahir Cabdule Taliyihii hore ee saldhigga Boliiska  degmada Hodan

2- Labo Xidigle  Mahad  Cabdi Cumar

3- Xasan Daahir Maxamed

4- Kormeere Saddexaad Axmed Qadar  Maxamed Xasan

Guddoomiyaha maxkamadda  darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida gaashaanle  Xasan Cali Nuur “Shuute” oo Warbaahinta u akhriyay xukunka ayaa sheegay in Saraakiisha aan KOR ku soo sheegnay lagu waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay sidaa darteed xabsiga laga siidaayo haddii aan loo heysan dambi kale.

Sidoo kale maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay labo askari oo ka tirsan ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed,kuwaas la sheegay in ay horay dad u dileen.

Dhageyso codka gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/06/CODKA-MAXKAMADA-XUKUNKA-16-06-2015-.mp3

22 55

Previous Post

Fursado Shaqo oo ka banaan Wasaaradda Waxbarashada

Next Post

Hey’adda Hormuud oo deeq gaarsiisay maxaabiista xabsiga dhexe-Sawirro

Next Post
Hey’adda Hormuud oo deeq gaarsiisay maxaabiista xabsiga dhexe-Sawirro

Hey’adda Hormuud oo deeq gaarsiisay maxaabiista xabsiga dhexe-Sawirro

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In