Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda darajada koowaad oo dambi ku weysay saraakiishii lagu eedeeyay in ay fududeeyeen qaraxii Hotel SYL-Sawirro

caqiil by caqiil
June 16, 2015
in Wararka
0
Maxkamadda darajada koowaad oo dambi ku weysay saraakiishii lagu eedeeyay in ay fududeeyeen qaraxii Hotel SYL-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda  darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa u fariisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo haystay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska iyo nabad sugidda Soomaaliya 15-kii Bishaan kuwaas oo mudooyinkaan ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiishaan ayaa lagu eedeeyay in ay wax ka Ogaayeen Weerar Ismiidaamin ah oo 22-kii bishii Janaayo ka dhacay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho,kaas oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Waa kuwan magacyada saraakiisha;

1-Gaashale dhexe Maxamed Daahir Cabdule Taliyihii hore ee saldhigga Boliiska  degmada Hodan

2- Labo Xidigle  Mahad  Cabdi Cumar

3- Xasan Daahir Maxamed

4- Kormeere Saddexaad Axmed Qadar  Maxamed Xasan

Guddoomiyaha maxkamadda  darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida gaashaanle  Xasan Cali Nuur “Shuute” oo Warbaahinta u akhriyay xukunka ayaa sheegay in Saraakiisha aan KOR ku soo sheegnay lagu waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay sidaa darteed xabsiga laga siidaayo haddii aan loo heysan dambi kale.

Sidoo kale maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay labo askari oo ka tirsan ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed,kuwaas la sheegay in ay horay dad u dileen.

Dhageyso codka gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/06/CODKA-MAXKAMADA-XUKUNKA-16-06-2015-.mp3

22 55

 

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
Previous Post

Fursado Shaqo oo ka banaan Wasaaradda Waxbarashada

Next Post

Hey’adda Hormuud oo deeq gaarsiisay maxaabiista xabsiga dhexe-Sawirro

Next Post
Hey’adda Hormuud oo deeq gaarsiisay maxaabiista xabsiga dhexe-Sawirro

Hey’adda Hormuud oo deeq gaarsiisay maxaabiista xabsiga dhexe-Sawirro

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In