Shirkani oo socday mudo afar maalin ah ayaa lagu soo gabagabeeyay dalka jabuuti waxaana looga hadlayay arimaha Burcad badeeda iyo sida loo maxkamadeedyo dad lagu soo qabto falalka burcad badeednimo ayadoo loo marayo hamka shuruucda caalamiga ah waxana ka qebgalay wafdi ka socda dowladda somalaiya iyo maamuladda Puntland, Somaaliand;Galmudug.iyo xubna ka socday dowladdaha Mareekanka , Ingariiska ,Norway,isla markana ay soo qaban qaabisay hay,adda midowga yurub u qaabilsan la dagaalanka Burcad badeeda ee I U Cop.
Inta uu socday shirka ayaa waxaa lagu fala guray sida xal loogu heli karo arimaha burcad badeeda iyo sida loo maxkamadadeenayo ,islamarkaana layska kaashan lahaa dhawrista shacriyadda dowladda qeybta ka ah la dagaalka burcad badeeda .
Xeer ilaaliyaha Ku –xigeenka Kobaad ee dowladda federaalka Somaaaliya Dr Axmed Cali Abuukar oo horkacayay wafdigaasi Soonaaliya u matalaiyaay shirka ayaa xafiiska ugu warbixyay maanta waxyabaha shirkaasi looga hadlay ka dib markii maanta dalka uu dib ugu soo laabtay.
“ajantaheeda wax uu ahaa loogana hadlayay burcad badeeda iyo sharuucda lagu dhaqaayo burcad badeeda runtii waxuu ahaa shir aad iyo aad muhiim u ah yacni dowladdaha gobalka sida badan ay isku yimaadeen waxaa kale goobjooga ayaa ka ahaa dowladda mareekanka dowladda ingariiska iyo Norway iyo dad qubaraha ah oo sharci yaqaana ah sida badan ku howlanaa maxkamadeenda burcad badeeda waxaan dhahi karnaa shir aad iyo aad muhiim u ah ayuu ah dood furan oo sida badan ay qusaynaysay arimaha qaanuunka ayaa looga dooday waxuuna ahaa shir aad iyo aad muhiim u ah” ayuu yiri.
Sidoo kale shirka ayaa inta uu socday waxaa lagu gorfeeyay in dowladda Soomaaliya laga gacan siiyo maxkamadeenta burcad badeeda si dalkooda loogu xukumo sida mar labaad uu sharaxay Dr Axmed Cali Abuukar Xeer ilalaiye Ku Xigeenka labadd ee Qaranka .
“ in loo masaafuriyo shiishilis ama banbaasa loo masaafuriyo ee hashiiso lagula galo waxan u dal qadan karna mahan qaanuun qabana ma jiro arintaasi dowladda ingariiska qubaradii ka socday ee qanun yaqaanada ahaa aad iyo aad aye ugu ka hadleen markeenka iyo Norway sidaa oo kale waxaa kale oo aan u sheegnay in ay dhacday dad aabn qaanuunka qabin in la maxkamadeeyo aan qaankarin dhalinyara ah in ay ku xiran yahiin xabsiyada kuna qan garay arintaasi waa arin ka baxsan bani aadinmada ka baxsan waaye s hirka aad wax yaanaha looga hadlay aye ka mid ahayd waxana laysku raacay in aysan dhacni doonin wax ka manta ka dabeeyo ma dhaci doonta arintaasi”ayuu yiri Axmed.
Dowladda Somaaliya oo kaashanayso dowladdaha saxiibka la ah ayaa dadaal xoogan ugu jirtay sanadahii dabe ka cirib tirka burcad badeeda biyaha dalkeena Somaaliya balse iminka hay,addaha sharciga dalka ay dadaal ugu jiraa sidii dhalinyaradda lagu qabtay biyaha somaaliya sidii loogu maxkamadeen lahaa wadanka .