Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Muslimiinta ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo Muslimiinta ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 17 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadaan u direy dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka.

‘’Ramadaan Kariim ayaan leeyahay dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed. Bishan waa bishii kheyrka, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bishii towbada, cafiska, sheydaanka oo la xiro, dadka oo naarta laga xorreeyo iyo kheyr kale oo farabadan. Waxaana Ilaahay ka baryayaa in intaas oo dhan uu ina siiyo, fadliga bishan barakeysan ee Ramadaan awgeed’’.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka farey inay is kaalmeeyaan bishan barakeysan ee Ramadaan.

‘’Waxaan farayaa dadka Soomaaliyeed inay is kaalmeeyaan. Kuwiina liita ee Muslimiinta ah ee soomaya ee aan waxba haysan waa in la kaalmeeyaa. Aan garab istaagno dadkaasi, yeyna afurin xilli uu walaalkaaga Soomaaliyeed oo maalintii dhan soomanaa uusan haysan wax uu ku afuro. Waa inaan garab istaagnaa, waxna ka siinaa waxa aan haysano, si uu Ilaahay inoogu naxariisto’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku darey in bishan kheyrka badan , qof walba oo muslim ah ay la gudboon tahay inuu la yimaado camal suuban, Allah ka cabsi, khushuuc iyo ilaalinta waajibaadka Ilaahay ina saarey , si loo helo liibaan adduun iyo mid aakhiro.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii u duceeyay dhammaan Muslimiinta, isagoo Ilaahay uga baryey inay helaan naxariista bishan barakeysan ee Ramadaan, kuwooda dhibaateysanna, uu Ilaahay ka dul qaado dhibka haysta.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta Oo Furay Barnaamijka Tartan Cilmiyeedka Ramadaan Ee SNTV iyo Radio Muqdisho Ka Baxa “Dhageyso+Sawirro”

Next Post

Ciidamada Ammaanka Oo Fashiliyay Isku Day UGUS Ay Ku Doonayeen In Ay Ku Weeraraan Xarunta Shirka Cadaado Uu Ka Socdo

Next Post
Ciidamada Ammaanka Oo Fashiliyay Isku Day UGUS Ay Ku Doonayeen In Ay Ku Weeraraan Xarunta Shirka Cadaado Uu Ka Socdo

Ciidamada Ammaanka Oo Fashiliyay Isku Day UGUS Ay Ku Doonayeen In Ay Ku Weeraraan Xarunta Shirka Cadaado Uu Ka Socdo

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In