Wednesday, August 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo booqday Isbitaalka weyn ee Garowe-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo booqday Isbitaalka weyn ee Garowe-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha Dawladda goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday Cisbitaalka weyn ee magaalada Garoowe oo la dhigay dhaawaca  askar katirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo gaari ciidan uu kula dhacay deegaanka Buura-wadal ee gobolka Sool.

Toban askari oo kamid ah Ciidanka uu gaarigu la dhacay ayaa shilkaasi ku dhintay halka laba iyo Toban kalana uu ka soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

August 5, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026

Saraakiisha cisbitaalka ayaa Madaxweynaha warbixin dheer ka siiyey xaaladda caafimaad ee ciidankaas, iyagoona sheegay in howlwadeenada caafimaadka ay ku howlan yihiin sidii ay gargaar caafimaad oo deg deg ah u siin lahaayeen.

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timi tobankaasi askari isagoona Alle uga baryey in jana Fardowsa uu ka waraabiyo samir iyo iimaan buuxana ka siiyo eheladii,qaraabadii, shacabka Puntland, saraakiisha ciidanka iyo guutadii ay ka tirsanaayeen.

Dr Gaas ayaa sidoo kale mid mid ugu booqday Cisbitaalka weyn ee Garoowe laba iyo Tabanka askari ee dhaawacyadu ay ka soo gaaren shilkaasi dhacay,waxaana uu si deg deg ah amar ugu bixiyay in qaybtooda liidata ee aan dalka waxba looga qaban Karin loo qaado dalka dibadiisa si ay u helaan daryeel caafimaad oo dhamaystiran.

IMG_9393 IMG_9416 IMG_9438 IMG_9449

Previous Post

Dhagayso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

50 arday oo Taliska Boliiska oo tababar ugu direy dalka Uganda-Sawiro

Next Post
50 arday oo Taliska Boliiska oo tababar ugu direy dalka Uganda-Sawiro

50 arday oo Taliska Boliiska oo tababar ugu direy dalka Uganda-Sawiro

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

August 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda Polish Humanitarian Action (PAH),...

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qayb galay kulan duco iyo...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In