Saturday, August 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Cumar oo ka hadlay socdaalkii uu ku tegay Kismaayo iyo New York

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo socdaal dibadda ah ku maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay, iyadoo uu socdaal ku soo maray magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland.

Mudane Cumar Cabdirashiid oo Warfidiyeenka kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in shirkii uu uga qeyb galay magaalada New York ee xarunta u ah Qaramada Midoobay uu guul ku soo idlaaday, isla markaana uu kulamo la qaatay Madax ka tirsan dowladda Mareykanka.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

“Waxaan safar ku gaaray xarunta Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana looga hadlayay in dib u eegis lagu sameeyo hadafyadii ciidamada isku dhafka ah ee ka howlgalla dalka iyo waxyaabihii ka qabsoomay, intaas kadib waxaan u gudbay Washington oo aan kula kulmay Madax kala duwan oo Mareykanka ah oo aan kala hadalnay, xaaladda dalka, iyagoo noo balan qaaday, in ay gacan ka geysanayaan geedi-socodka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa socdaal ku soo maray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, halkasi oo uu kulamo kula soo qaatay Madaxda Maamulka Jubbaland oo ay isla meel dhigeen xalinta arrinta ku aadan Wakiilada Maamulka Jubaland.

“Markii aan Kismaayo tegay, waxaan Madaxda kala hadalnay arrinta Wakiilada ee tabashada ka taagan, in la soo celiyo kalsoonidii iyo xiriirka dowladda ay la leedahay Maamul Goboleedyada, waxaana ku casuunay inay Muqdisho yimadaan, oo arrimaha dhiman isla meel dhigno, Xukuumadda waxaa ka go’an hirgelinta Nidaamka Federaalka ah” ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Previous Post

Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda ee gurmadka Gor gor oo afurin u sameeyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Next Post

Tartan Isboorti oo lagu maamusayo bisha Ramadaan oo ka furmay South Africa “SAWIRRO”

Next Post
Tartan Isboorti oo lagu maamusayo bisha Ramadaan oo ka furmay South Africa “SAWIRRO”

Tartan Isboorti oo lagu maamusayo bisha Ramadaan oo ka furmay South Africa “SAWIRRO”

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In