Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Shangaani Vs Boosaaso oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bari, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal ayaa waxaa caawa dhextaal u ahaa, islamarkaana la guda galay isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Shangaani iyo Boosaaso, iyo sidoo kale waxyaabaha ay caanka ku yihiin oo ay ku cabireen hab suugeed.
Natiijada tartankii Quruxda badnaa ee dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Shangaani iyo Boosaaso waxey noqotay sidan:-
Shangaani
Tartamayaasha Degmada Shangaani sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Labo su’aal oo waxa ay qaldeen Shan su’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha degmada Boosaaso, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Shangaani ay heleen noqoneysaa 8 dhibcood (Sideed dhibcood).
Boosaaso
Tartamayaasha Degmada Boosaaso waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Shan su’aal halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysi u heleen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Shangaani, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Boosaaso ka dhigeysaa inay heleen 14 dhibcood (Afar iyo toban dhibcood).
Hadaba kulankii Lixaad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Boosaaso ee gobolka,Bari, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenka Todobaad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Kaxda iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bakool.
Halkan ka dhageyso Tartanka
Qeybta Koowaad ee Tartanka
Qeybta Labaad ee Tartanka