Sunday, November 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Weerar sababay khasaaro nafeed oo lagu qaaday saldhig ku yaalla dalka Colombia

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
10 minutes ago
in Wararka
0
Weerar sababay khasaaro nafeed oo lagu qaaday saldhig ku yaalla dalka Colombia

Screenshot

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Militariga Dawladda colombiya ayaa shaaciyey in saddex askari oo kamid ahaa Ciidnkooda la dilay halka ugu yaraan 16 kalena ay dhaawacmeen, ka dib weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn “Drones” oo lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Santa Rosa del Sur ee dhacda waqooyiga dalkaasi Colombiya.

Taliyaha Ciidamada Militariga Colombia Major General José Bertulfo Soto, ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid gaadmo ah isla markaana lagu dilay 3 askari laguna dhaawacay 16 askari oo kale oo kujiray xeradaas, balse taliyuhu ma bixin xog ku salaysan cidda ka dambeysay weerarkan.

Related posts

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug oo Saraakiil u qabatay tababar heer sare ah

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug oo Saraakiil u qabatay tababar heer sare ah

November 8, 2026
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

November 7, 2026

Xogo dheeraad ah oo laga helayo dalka Colombia ayaa sheegaya in loo malaynayo in weerarkan ay gaysteen kooxaha fallaagada ah ee dalkaasi, maadaama oo uu jiro iskaashi ka dhexeeya kooxaha ka ganacsada daroogada iyo kooxaha fallaagada ah ee dalkaas, kuwaas oo si wadajir ah oo joogto ah u weerara goobaha Ciidamada Colombia, iyadoo uu ugu danbeyey weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Cúcuta ee gobolka Tolima kaasi oo loo adeegsaday gantaallo laga sameeyay haamaha gaaska, waxaana weerarkaas ka dhashay dhimashada afar qof oo rayid ah.

Madaxweynaha Dawladda Colombia Abelardo de la Espriella ayaa sheegay in daba gal iyo baaritaano dheeraad ah lagu samayn doono cidda gaysattay weerarkan isla markana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

“Weerar kasta oo lala beegsado askarteena wuxuu sii xoojinayaa oo kaliya go’aankeena ku aaddan difaaca Colombia.” ayuu yiri Abelardo de la Espriella.

Rabshadaha hubaysan ayaa si xawli ah ugu sii kordhayay dhowr gobol oo miyi ah oo ku yaalla dalka Colombia tan iyo markii Madaxweyne De la Espriella uu xilka la wareegay bishii Agoosto ee sanadkan 2026, waxaase jira qorshayaal militari oo ay Dawladdiisu diyaarinayso si ay u wajahdo kooxaha hubaysan iyo kooxaha kale ee daroogada ka ganacsada.

Screenshot
Previous Post

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug oo Saraakiil u qabatay tababar heer sare ah

Weerar sababay khasaaro nafeed oo lagu qaaday saldhig ku yaalla dalka Colombia

Weerar sababay khasaaro nafeed oo lagu qaaday saldhig ku yaalla dalka Colombia

November 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Militariga Dawladda colombiya ayaa shaaciyey in saddex askari oo kamid ahaa Ciidnkooda la dilay halka ugu yaraan...

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug oo Saraakiil u qabatay tababar heer sare ah

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug oo Saraakiil u qabatay tababar heer sare ah

November 8, 2026
0

Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa qabatay tababar dib-u-xoojin aqooneed iyo xirfadeed oo loogu talagalay saraakiisha iyo xubnaha Ciidanka...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

November 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu hor dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan...

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In