Sunday, August 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IGAD oo soo dhoweysay xayiraadda laga qaadey xawaaladaha Soomaalida ee Kenya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 24, 2015
in Wararka
0
IGAD oo soo dhoweysay xayiraadda laga qaadey xawaaladaha Soomaalida ee Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Urur-goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay dib u fasixiddii ay Kenya dib u fasaxday Xawaaladaha Soomaalida ee dalkeeda ka howl-gala, kuwaasoo ay xayiraad saartay bishii Abriil kaddib weerarkii Jaamacadda Gaarisa.

Xoghayaha guud ee IGAD Maxbuub Macallin ayaa sheegay in xawaaladaha dib loo furay ay wax badan ka tarayso nolosha dad badan oo ku nool Geeska Afrika, kuwaasoo noloshoodu ku xiran tahay lacagaha dibadaha looga soo diro.

Related posts

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

August 24, 2025

“Tani waa tallaabo geesinimo leh oo uu qaaday madaxweynaha Kenya, waana mid uu u arkay inaysan dan u ahayn Keenyaanka oo keliya, laakiinse ay dani uug jirto dadka gobolka oo dhan ku nool,” ayuu yiri Maxbuub Macallin.

Bangiga Dhexe ee Kenya ayaa maalin ka hor xayiraaddii ka qaaday 13 xawaaladood oo ay Soomaalidu ku leedahay Nairobi, kuwaasoo horay loogu eedeeyay inay lacago siiyaan kooxaha argagaxisada ah ee Kenya ka jira iyo Al-shabaab.

Ugu yaraan 40% Qoysaska Soomaaliyeed ayay noloshoodu ku tiirsan tahay lacagaha looga soo diro dalka dibaddiisa, kuwaasoo soo mara xawaalahada kala duwan ee ka howlgala iyo dalalka gobolka ku yaalla, maadaama uusan dalka ka jirin nidaam banki.

Maxbuub Macallin ayaa ka dalbaday dowladda Kenya inay ilaaliso Xawaaladaha oo howlo wanaagsan u haya shacabka, sida qoxootiga ku nool dalka Kenya oo inta badan ah Soomaali kasoo carartay colaadaha dalkooda ka jira.

Sidoo kale, Macallin ayaa ka codsaday dalalka reer galbeedka inay iyaguna sii wadaan caawinta sidii ay u shaqeyn lahaayeen xawaaladaha, si loo yareeyo saboolnimada ka jirta gobolka iyo amni-darrada.

Ugu dambeyn, dib u fasaxidda ay Kenya dib u fasaxday shaqada Xawaaladaha ka howlgala dalkeeda ayaa waxay imaanaysaa iyadoo hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ay sheegtay dhawaan in dhaqaalaha Somalia uu sare u kacay 3.7%, lana filayo inuu intaas kasii bato.

Previous Post

Wasiir Maareeye oo bahda saxaafadda ugu baaqay ka qeyb qaadashada hirgelinta Federaalka

Next Post

Qarax lala eegtay kolonyo Imaaraadku leeyahay

Next Post
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya caleema saarka madaxda maamulka Galmudug.

Qarax lala eegtay kolonyo Imaaraadku leeyahay

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dekadda Muqdisho ku sheegay...

Wasaaradda Waxbarasha XFS oo maanta ku dhawaaqi doonta natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare

Wasaaradda Waxbarasha XFS oo maanta ku dhawaaqi doonta natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay wehliyaan Wasiirrada Dowlad Goboleedyada Dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In