Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo cambaareysay weerar lagu qaaday AMISOM

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War- saxaafadeed

Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarka xilliga aroornimo ay ku qaaday kooxda argagaxisada Al-Shabaab saldhig ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha hoose .

Related posts

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026

Waxa aanu ammaan iyo bogaadin u jeedineynaa dhiiranaanta , waajib gudashada iyo nafhurnimada Ciidamada Midowga Afrika , oo markale ka suura-geliyay Soomaaliya nafhurnimadooda iyo dadaalkooda guulo horumar leh .

Waxa aanu tacsi u direynaa qoysaska , saaxiibada iyo dadka jecel ciidamadaasi geesiyaasha ah , kuwaasi oo naftooda u huray ilaalinta dadkeena rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo xoojinta hey’adaha , sidoo kale dhowrista horumarkeena .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya marna kama gaabin doonto inay guulo ka gaarto yididiiladeeda nabadda , horumarka iyo barwaaqada guud ahaan shacabkeeda iyo gobolka ,iyadoo falal fuleynimo ay sameynaan kuwa isku qarinaya tafsiir khaldan oo ay ka bixinayaan diinteena islaamka ee quruxda badan.

Iyadoo lagu gudajiro dadaalada geesinimo ee si mideysan uga socda Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya , ayaa waxaa xaqiijin doonaa in nafhurnimada maanta ee wiilasha iyo gabdhaha walaalaheena aan wax ka soo qaad micno laheyn noqon doonin marnaba .

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo AMISOM waxa ay sii wadi doonaan howlgalada wadaagga ah , illaa iyo inta laga xoreynayo Al shabaab taako waliba oo ka mid ah Soomaaliya , shacabkeenana uu noqdo mid xor ah , si uu u gaaro yididiiladiisa nabadda iyo Xoriyadda .

Previous Post

Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday ciidanka AMISOM

Next Post

Maareeye: “Soomaalidu waa inay is-garab istaagaan wallaalahooda Soomaaliyeed.”

Next Post

Maareeye: “Soomaalidu waa inay is-garab istaagaan wallaalahooda Soomaaliyeed.”

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdifaatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa ka qeyb galay kulan wadatashi ah...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, xarunta...

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In