Tuesday, February 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maareeye: “Soomaalidu waa inay is-garab istaagaan wallaalahooda Soomaaliyeed.”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 26 June 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inay waajib tahay in Soomaalidu ay is-garab istaagaan wallaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaateysan, gaar ahaan bisha barakeysan ee Ramadaan. Soomaaliya horumar ballaaran baa ka socdo oo u baahan in si xoog leh la isu caawiyo, oo Soomaaliya Soomaali baa leh ee waa inaan isku tashanaa oo weliba aan usbuuca xoriyadda aan midnimadeena xoojinaa, isu samarnaa, isla markaasna aan danta guud wada eegnaa.

Wasiir Maareeye ayaa ka warbixiyey horumarka joogtada ah ee ay Dowladda Federaalka ku tallaabsaneyno maalin walba, ee dhanka amniga, dhaqangelinta nidaamka Federaalka, maaliyada, siyaasada, koboca dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Horumar kasta oo ay Dowladdu sameyso waa inuu garab socdaa bulshada Soomaaliyeed oo kaalin mug leh ka qaadata sidii dalku u noqon lahaa mid nabad ah.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland

February 10, 2026
Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanno hoostaga Jamaame

Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanno hoostaga Jamaame

February 10, 2026

Wasiir Maareeyey ayaa yiri “3 sano ka hor suurtogal ma aheyn in Cadaado shir maamul u sameyn uu ka dhaco oo dadka deegaanka ay xildhibaanada deegaanka soo xushaan si ay aayahooda uga tashadaan, iyagoo dhowaan dooran doona Madaxweynaha Dowlad Goboleedka GalMudug. Sidoo kale 3 sano ka hor suurtogal ma aheyn in Hay’ada Caalamiga ee IMF ay tiraahdo Soomaaliya horumar weyn baa ka jira ee dhanka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda. 3 sano ka hor suurtogal ma aheyn in Xafiiskii Dowlada Hoose ee Muqdisho aan dayactirano oo isku tashano. 3 sano ka hor suurtogal ma aheyn inaan barnaamijyada lagu weyneynayo dhaqanka soo bandhigo iyo kuwa Heesaha hirgelay haddii aysan jirin amniga ballaaran ee dalka ka jira. 3 sano ka hor suurtogel ma aheyn in Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa gobollada dalka ay isu yimaadaan oo aay aayahooda ka tashadaan iyagoo kaligood ah. 3 sano ka hor suurtogal ma aheyn inaan usbuuc walba shacabka u soo bandhigno waxqabadka Dowladda. 3 sano ka hor suurtogal ma aheyn in Dugsiyada Sare ee Koofurta & Bartamaha Soomaaliya ay Imtixaan Mideysan u fadhiistaan. 3 sano ka hor suurtogal ma aheyn in dadkeena dibedaha jira loo gurmado marka ay dhibaato ku dhacdo dalalka ay joogaan sida dhacday dhibaatadii Koofur Sudan iyo tan Yemen ee hadda socota. Dadaaladaas oo dhan waxaa suurtogeliyey shacabka Soomaaliyeed oo door muhiim ah ka qaatay sidii dalku u horumari lahaa, Dowladdana waxey u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed.”

“Bacdamaa lagu jiro bishii barakeysneyd ee Ramadan, waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed inay noqdaan kuwo iska warqaba si ay u sahlanaato in gargaar lala gaaro kuwa tabaaleysan. Shacabka waxaan uga mahadcelineynaa sidii quruxda badneyd oo ay uga soo jawaabeen codsigii Dowladda iyo Guddiga Gurmadka Qaxootiga Soomaaliyeed oo sahashay in dadkaas qaxootiga ah la gaarsiiyo gargaar, tanoo runtii noqotay mid soo nooleysay rajadii iyo hamigii shacabka Soomaaliyeed qabay ee ahaa in Soomaalidu ay isku tashato. Haddaba dadkaas Qaxootiga ah iyo kuwa kale ee aan heli karin afur waxaa waajib nagu wada ah inaan xasuusano oo deris walba iska warqabo.

“Sidoo kale waxaan u mahadcelineynaa Hay’ada Horumud Foundation oo maxaabiista xabsiga dhexe iyo curyaamiinta gaarsiisay kaalmo suurto gelisay in bisha Ramadaan ku afuraan oo aysan ka welwelin afur. Sidoo kale ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qurbo joogta waxaan ka codsaneynaa inay iyagana kaalin mug leh ka soo qaataan gargaarka shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay isku filnaan karto haddii aan gacmaha is wada qabsano oo aan arrimaheena u istaagno. “

Wasiir Maareeye ayaa ugu danbeyntii sheegay in Dowladdu ay diyaar u tahay in shacabka la gaarsiiyo marxalad ay aayahooda uga tashan karaan. Wasiir Maareeye ayaa yiri “Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in la dardargeliyo barnaamijka hiigsiga 2016 si shacabku ay aayahooda uga tashadaan, horumarka ballaaran ee aan maalin walba sameyneynana waxuu na gelinayaa yidiidilo iyo hami wanaagsan. Soomaaliya Soomaali baa leh waana inaan gacmaha is qabsanaa oo u istaagnaa sidii aan dalkeena nabad uga wada dhigi laheyn shacabka Soomaaliyeedna ugu wada horseedi laheen horumar joogta ah, barwaaqo iyo nabadgelyo taam ah.”

DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo cambaareysay weerar lagu qaaday AMISOM

Next Post

Taliska Ciidanka X.D.S Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Ku Timid Mrxuum C/qaadir Xaaji Maxamed “masalle”

Next Post
Taliska Ciidanka X.D.S Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Ku Timid Mrxuum C/qaadir Xaaji Maxamed “masalle”

Taliska Ciidanka X.D.S Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Ku Timid Mrxuum C/qaadir Xaaji Maxamed "masalle"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland

February 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad...

Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanno hoostaga Jamaame

Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanno hoostaga Jamaame

February 10, 2026
0

Ciidamada Gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya ciidamada amniga Dowlad-Goboleedka Jubbaland, ayaa maanta fuliyay howlgal...

Wasiirka Amniga Gudaha Oo Hambalyo u dray Ciidanka Badda Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Oo Hambalyo u dray Ciidanka Badda Soomaaliya

February 10, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘L𝐚𝐦𝐚 𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐨 𝐢𝐧 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐜𝐚𝐛𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐦𝐮𝐮𝐣𝐢𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚’

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘L𝐚𝐦𝐚 𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐨 𝐢𝐧 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐜𝐚𝐛𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐦𝐮𝐮𝐣𝐢𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚’

February 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In