Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Dharkeynleey Vsa Heliwaa oo ka wada tirsan gobolka Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Dharkeeynleey iyo Heliwaa iyo sidoo kale waxyaabaha ay caanka ku yihiin oo ay ku cabireen hab suugeed.
Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Dharkeenleey iyo Heliwaa waxey noqotay sidan:-
Dharkeenleey
Tartamayaasha Degmada Dharkeenleey sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen Afar su’aal, halka ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Heliwaa, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Dharkeenleey ay heleen noqoneysaa 8 dhibcood (Sideed dhibcood).
Heliwaa
Tartamayaasha Degmada Heliwaa waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysi u heleen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Dharkeenleey, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Heliwaa ka dhigeysaa inay heleen 14 dhibcood (Afar iyo Toban dhibcood).
Hadaba kulankii 11aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenka 12aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Dhuusamareeb iyo Deyniile oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Banaadir.
Halkan ka dhageyso
Qeybta Koowaad ee Tartanka
Qeybta Labaad ee Tartanka