Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha Degmada Heliwaa oo u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 29, 2015
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Tartamayaasha Degmada Boondheere oo u soo gudbay wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Dharkeynleey Vsa Heliwaa oo ka wada tirsan gobolka Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Dharkeeynleey iyo Heliwaa   iyo sidoo kale waxyaabaha ay caanka ku yihiin oo ay ku cabireen hab suugeed.

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Dharkeenleey iyo Heliwaa waxey noqotay sidan:-

Dharkeenleey

Tartamayaasha Degmada Dharkeenleey sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen Afar su’aal,  halka ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Heliwaa, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Dharkeenleey ay heleen noqoneysaa 8 dhibcood (Sideed dhibcood).

Heliwaa

Tartamayaasha Degmada Heliwaa waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Shan su’aal,  halka ay iska qaldeen Labo su’aal,  Waxa ay ka faa’iideysi u heleen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Dharkeenleey, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Heliwaa ka dhigeysaa inay heleen 14 dhibcood (Afar iyo Toban dhibcood).

Hadaba kulankii 11aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 12aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Dhuusamareeb iyo Deyniile oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Banaadir.

Halkan ka dhageyso

Qeybta Koowaad ee Tartanka

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/06/Qeyba-Koowaad-ee-Tartanka-caawa-28-06-2015.mp3

Qeybta Labaad ee Tartanka

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/06/Qeybta-Labaad-ee-Tartanka-caawa-28-06-2015-4.mp3

 

Related posts

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

July 9, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 9, 2025
Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Barlamaanka oo su’aalo weydiinaya wasiirka Arrimaha Gudaha

Next Post
Barlamaanka oo su’aalo weydiinaya wasiirka Arrimaha Gudaha

Barlamaanka oo su'aalo weydiinaya wasiirka Arrimaha Gudaha

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

July 9, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay munaasabad heer caalami ah oo lagu guddoonsiiyay Senator Xasan Iidow Muxumed (Kobac)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 9, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka...

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar...

Soomaaliya oo dadaal ku bixineysa Teknoolajiyad loo simanyahay

Soomaaliya oo dadaal ku bixineysa Teknoolajiyad loo simanyahay

July 9, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macallin oo ku sugan Geneva, Switzerland, ayaa ka qeybgalay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In