Munaasabad lagu abaal marinayey Arday da’yar ah oo ku guuleystay tartan Qu’raanka kariimka ah oo lagu qabtay dalka kenya horraantii Bishaaan Bareekaysan ee Rammaddaan ayaa waxaa ka qeybgalay Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo caan ah.
Guddoomiyaha Dalladda Dugsiyada Qu’raanka dalka Kenya Cismaan Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in haddiyado qaali ah ay guddoonsiiyeen Ardaydii kaalimaha hore galay, isagoo sheegay in tartankaan uu ahaa tartan sannadle ah oo sannadkiiba marka la gaaro bisha Rammaddaan lagu qabto dalka Kenya.
Ardaydii tartanka Qu’raan Aqriska kaalimaha hore galay aya la guddoonsiiyay Abaalmarinno lacageed oo ay ku farxeen iyaga oo dareenkood ka halayana waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin sannadkaan inay ka qayb galaan Tartan Qu’raan aqris ah.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah mashaa’iiqda caanka ah ayaa ku Boorriyay Dhammaan dadkii xafladdaas ka soo qayb galay in ay weyneeyaan barashada iyo xifdinta Qur’aanka kariimka ah.