Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Lacago la Gudoonsiiyay Arday Aan Awoodin in ay iska Bixiyaan Qarashaadka Iskuulada “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Lacago la Gudoonsiiyay Arday Aan Awoodin in ay iska Bixiyaan Qarashaadka Iskuulada “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Kamukunji Yusuuf Xasan Cabdi ayaa lacago loogu Talo galay Ardayda aan Waalidiintooda Awoodin inay bixiyaan lacagaha waxbarashada gudoonsiiyay qaar ka mid ah Iskuulada ku yaala Kamukunji.

Ka dib munaasabad balaaran oo ka dhacday iskuulka Kamukunji Secondary School oo uu soo qaban qaabiyay Sanduuqa Horumarinta deegaanka ee CDF ayaa xildhibanka laga soo doorto degmada kamukunji Yuusuf Xasan Cabdi waxa uu lacago loogu talo galay ardayda aysan waalidiintoodu awoodin lacagaha waxbarashada waxa uu  gudoonsiiyay iskuulada ku yaala degmada kamukunji.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026

Lacageed oo ay dowlada Kenya ugu talo gashay ardayda  taagta daran  in ay uga bixiso lacagaha dugsiga sare iyo jaamacadaha ayaa waxaa ka faa’ideystay 2900 oo arday oo isugu jira Soomaali iyo kenyaan,kuwasi oo wax ka barta iskuulada ku yaala degmada kamukunji.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa markii ay munaasabadu soo gabagaboobay waxa uu ka warbixiyay lacagaha uu gudoonsiiyay iskuuladka ee lagu horumarinayo aqoonta waxbarashada ee ardayda aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha iskuulka.

“Kulankan maanta wuxuu ku saabsanaa caawimaad ay dowlada siiso degmada Kamukunji oo soo marta xafiiska xildhibanka oo aan ugu deeqaynay ardayda dugsiyasda sare iyo jaamacadaha oo waalidiintoodu aanay awoodi karin lacagaha iskuulka,sanadkan siduu u bilowday Kamukunji oo aan madaxda ka ahay 2900 oo arday oo waalidiintooda ay ka liitaan xaga dhaqaalaha ayaan caawinay oo aan 19 milyana oo lacagta Kenya ah”Ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi.

“Guud ahaan tan iyo intii aan xildhibanka noqday ilaa 5000 kun oo arday ayaa ka faa’ideysatay mashruucan waxbarashada deeganka Kamukunji ilaa 47 milyana wan ku bixinay iskuulada sare iyo jaamacadaha dalka” Ayuu sii raaciyay xildhibaanka.

Ugu dambeytiina xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa u ugu baqaay dhammaan ardayda mudan ee lagu cawiyay lacagtan in ay dhameystaan waxbarashadooda.

“Mashruucan xafiiska xildhibanka ayuu ka furan yahay ardaydu waa inay timaadaa ama waalidiintooda ay yimaadan oo ay iska qoraan wixii ka dambeeya guddi ayaa jira raad raac ku sameeya oo dib u soo baara in qofka uu u qalmo in uu helo caawinaadan,ka dibna waa loo yeeraa dugsiyadooda ayaana lacagta loogu shubaa”Ayuu ku soo gabagabeeyay xildhibaanka.

Inkastoo dowlada kenya ay lacagaha waxbarashada ka bixiso qaar ka mid ah ardayda Kamukunji ayaa hadana waxaa jira arday fara badan oo waxbarasho la’aan ku heysato Kenya,kuwaa oo kasoo jeeda qosaska saboolka ah.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13

Sawiro qaade:- C/qaadir Cali Xuseen (Koronto)

Previous Post

Cali Americo oo Kooxda Wariyaasha Kala Qeyb Galay Tartan Ispoorti Afurna u Sameeyay Wariyaasha “Sawirro”

Next Post

DAAWO SAWIRRADA XUSKA 1-DA LUULYO OO SI WEYN LOOGA XUSAY MUQDISHO

Next Post
DAAWO SAWIRRADA XUSKA 1-DA LUULYO OO SI WEYN LOOGA XUSAY MUQDISHO

DAAWO SAWIRRADA XUSKA 1-DA LUULYO OO SI WEYN LOOGA XUSAY MUQDISHO

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta...

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026
0

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Dardar-gelinta iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), oo uu daah furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

August 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ku qaabilay Isimmada dhaqanka ee deegaannada...

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

August 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In