Tuesday, September 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta ” Kenya Dacwad Ayaan ka Gudbin Doonnaa”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye: “3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Somaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Kulankii Golaha Wasiiradda ay xalay ku yeessheen Muqdisho oo uu shir Guddoominayay R’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid warbixinno looga dhageystay Qareenno Soomaaliyeed oo loo xilsaaray Dacwad la xiriirta Xuduudda Badda  Somaaliyaay la wadaagto Kenya.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Golaha wasiiradda ay isku racaeen in 13-ka Bishan July Dowladda Soomaaliya ay u gudbiso dacwad ka dhan ah muranka xuduud badeedka Soomaaliya Kenya ay la wadaagto Maxkamadda Cadaaladda QM, dukumiintiyada cadeynaya lahaanshaha dhulka Kenya ay dooneyso inay la wareegto,oo qeyb ka ah badda Somaaliya wuxuuna sheegay in Bisha March ee sanadka 2016’ka ay sirasmi ah u billaabi doonto Dacwada ku saabsan Xuduuda badda  labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026

 “Waxaa Warbixin laga dhageystay labo Loyar oo Soomaali ah oo noo qaabilsan Dacwada Xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo aad ogtihiin in marar badan oo hore leysku dayay in si Wada xaajood ah lagu dhameeyo balse ay suuroobi weysay markii dambana Dowladda Soomaaliya ay go’aamisay in laga dacwoodo Arrintaas maadaama xadgudub ay Kenya kusoo sameysay Badda Soomaaliya”  Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Dhanka kale wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in  Dacwadda Ay u gudbin doonaan Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda QM 13-ka July isniinta soo socota

“Sida looyariintu ay noo sheegeen Kenya markaa waxay xaq u leedahay mudo 8-bil ah inay soo diyaariso jawaabteeda, kaddibna fadhiga ayaa billaabanaya waqti ku began March 2016, balse Dowladda Soomaaliya  dukumintigeeda oo ka kaooban 150 page oo ay qoreen Looyaro Caalami ah iyo kuwo Soomaali ah waxaa la gudbinayaa Isniinta soo socot.” Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa tilmaamay in golaha wasiirrada ay dood kulul ka yeesheen arrimaha ammaanka Qaranka, gaar ahaan sidii loo soo gabagabeyn lahaa howlgallada ka dhanka ah nabad-diidka, qorshe arrintaa la xiriirana dhowaan laga fulin doono meelo  qorsheysan.

Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo afur u sameeyay danjirayaasha dalalka Islaamka

Next Post

Wasiirka haweenka iyo Danjiaraha Jabuuti ee Soomaaliya oo maanta booqday xarunta agoonta gabdhaha Boondheere+Sawirro

Next Post
Wasiirka haweenka iyo Danjiaraha Jabuuti ee Soomaaliya oo maanta booqday xarunta agoonta gabdhaha Boondheere+Sawirro

Wasiirka haweenka iyo Danjiaraha Jabuuti ee Soomaaliya oo maanta booqday xarunta agoonta gabdhaha Boondheere+Sawirro

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In