Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta ” Kenya Dacwad Ayaan ka Gudbin Doonnaa”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye: “3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Somaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Kulankii Golaha Wasiiradda ay xalay ku yeessheen Muqdisho oo uu shir Guddoominayay R’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid warbixinno looga dhageystay Qareenno Soomaaliyeed oo loo xilsaaray Dacwad la xiriirta Xuduudda Badda  Somaaliyaay la wadaagto Kenya.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Golaha wasiiradda ay isku racaeen in 13-ka Bishan July Dowladda Soomaaliya ay u gudbiso dacwad ka dhan ah muranka xuduud badeedka Soomaaliya Kenya ay la wadaagto Maxkamadda Cadaaladda QM, dukumiintiyada cadeynaya lahaanshaha dhulka Kenya ay dooneyso inay la wareegto,oo qeyb ka ah badda Somaaliya wuxuuna sheegay in Bisha March ee sanadka 2016’ka ay sirasmi ah u billaabi doonto Dacwada ku saabsan Xuduuda badda  labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

 “Waxaa Warbixin laga dhageystay labo Loyar oo Soomaali ah oo noo qaabilsan Dacwada Xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo aad ogtihiin in marar badan oo hore leysku dayay in si Wada xaajood ah lagu dhameeyo balse ay suuroobi weysay markii dambana Dowladda Soomaaliya ay go’aamisay in laga dacwoodo Arrintaas maadaama xadgudub ay Kenya kusoo sameysay Badda Soomaaliya”  Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Dhanka kale wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in  Dacwadda Ay u gudbin doonaan Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda QM 13-ka July isniinta soo socota

“Sida looyariintu ay noo sheegeen Kenya markaa waxay xaq u leedahay mudo 8-bil ah inay soo diyaariso jawaabteeda, kaddibna fadhiga ayaa billaabanaya waqti ku began March 2016, balse Dowladda Soomaaliya  dukumintigeeda oo ka kaooban 150 page oo ay qoreen Looyaro Caalami ah iyo kuwo Soomaali ah waxaa la gudbinayaa Isniinta soo socot.” Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa tilmaamay in golaha wasiirrada ay dood kulul ka yeesheen arrimaha ammaanka Qaranka, gaar ahaan sidii loo soo gabagabeyn lahaa howlgallada ka dhanka ah nabad-diidka, qorshe arrintaa la xiriirana dhowaan laga fulin doono meelo  qorsheysan.

 

Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo afur u sameeyay danjirayaasha dalalka Islaamka

Next Post

Wasiirka haweenka iyo Danjiaraha Jabuuti ee Soomaaliya oo maanta booqday xarunta agoonta gabdhaha Boondheere+Sawirro

Next Post
Wasiirka haweenka iyo Danjiaraha Jabuuti ee Soomaaliya oo maanta booqday xarunta agoonta gabdhaha Boondheere+Sawirro

Wasiirka haweenka iyo Danjiaraha Jabuuti ee Soomaaliya oo maanta booqday xarunta agoonta gabdhaha Boondheere+Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In