Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolada dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolada dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee Cadaado waxay kulamo gooni gooni ah kula yeesheen qaybo kala duwan oo ka mid ah Maamulada Degmooyinka Gobolada dhexe iyo Ahlu Suna Waljamaaca, Taliyeyaasha ciidamada iyo Ururada Bulshada.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kala hadalay Maamulada sidii loo wada shaqayn lahaa, isla markaana dowlad goboleedka Galmudug loo gaarsin lahaa meelaha kale ee ka baxsan inta ay ku gacanta ku hayaan iyo sidoo kale in gacantooda laga saaro meelaha ay hada ka taliyaan Al Shabaab, ammaankana dib loo soo celiyo.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

Kulankii maanta ayaa ku soo dhamaaday is afgarad, waxaana laysla meel dhigay in labilaabo Wadashaqayn iyo in lagu baahiyo Maamulka Cusub dhamaan deegaanada gobolada Galgaduud iyo Mudug taas oo ay balan qaadeen kaqayb gala yaashii shirku.

Dhanka kale Warsaxaafadeed kasoo baxay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu magacaabay guddi kasoo shaqeeya mudo 90 Maalmood ah wixii laqaban lahaa iyo Miisaaniyadda Dowlad goboleedka Galmudug in ay qiimeyn ku soo sameeyaan si dhaqso loogu gaaro hadafka ah horumarinta iyo balaarinta maamulka.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Biladdii la guddoonsiiyay guddoomiye Muungaab oo la soo dhaweeyay

Next Post
Biladdii la guddoonsiiyay guddoomiye Muungaab oo la soo dhaweeyay

Biladdii la guddoonsiiyay guddoomiye Muungaab oo la soo dhaweeyay

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In