Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dacwadda Xad-gudubka Kenya ee badda Soomaaliya oo Todobaadka dambe bilaabaneysa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dacwadda Xad-gudubka Kenya ee badda Soomaaliya oo Todobaadka dambe bilaabaneysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayey  Xad-gudubka ay Kenya ku sameyneyso badda Soomaaliya oo ay isugu yimaadeen guddiyada  joogtada ah ee Barlamaanka, wasiirro iyo khubarro dhanka badda ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayey  Afhayeenka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” waxaa sidoo kale ku sugnaa wasiirro iyo dhammaan xubnaha guddiyada joogtada Barlamaanka, iyadoo diiradda dooddu ay aheyd sidii loo amba-qaadi lahaa  dacwadda Badda ee ay dowladda Soomaaliya u gudbisay maxkamadda dambiyada Caalamiga ah ee Huge,  taas oo ku aaddan in Kenya ay ka harto dhibaatada ay k heysto hadda  Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026

Khubarrada kulan ka qeyb-galay ayaa sheegay in heerar kala duwan ay soo martay arrinta Muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxa ay sheegeen in xilligaan aysan ku habbooneyn in wada hadal lagala galo Kenya arrintaasi.

Xog-hayaha guud ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, C/kariin Xaaji Cabdi “Buux” ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in maalinta Isniinta ee Todobaadka soo socda  maxkamadda Huge ka bilaabaneyso dacwadda la xiriirta Xadgudubka ay Kenya  ka waddo Badda Soomaaliya, isagoo intaa raaciyey in la go’aamiyey in wax wada hadal  ah aan lagala galin Kenya Muranka hadda.

 

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Deyniile oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “Dhageyso”

Next Post

Dhageyso warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa....

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

January 20, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika. Munaasabadda oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In