Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dacwadda Xad-gudubka Kenya ee badda Soomaaliya oo Todobaadka dambe bilaabaneysa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dacwadda Xad-gudubka Kenya ee badda Soomaaliya oo Todobaadka dambe bilaabaneysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayey  Xad-gudubka ay Kenya ku sameyneyso badda Soomaaliya oo ay isugu yimaadeen guddiyada  joogtada ah ee Barlamaanka, wasiirro iyo khubarro dhanka badda ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayey  Afhayeenka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” waxaa sidoo kale ku sugnaa wasiirro iyo dhammaan xubnaha guddiyada joogtada Barlamaanka, iyadoo diiradda dooddu ay aheyd sidii loo amba-qaadi lahaa  dacwadda Badda ee ay dowladda Soomaaliya u gudbisay maxkamadda dambiyada Caalamiga ah ee Huge,  taas oo ku aaddan in Kenya ay ka harto dhibaatada ay k heysto hadda  Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026

Khubarrada kulan ka qeyb-galay ayaa sheegay in heerar kala duwan ay soo martay arrinta Muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxa ay sheegeen in xilligaan aysan ku habbooneyn in wada hadal lagala galo Kenya arrintaasi.

Xog-hayaha guud ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, C/kariin Xaaji Cabdi “Buux” ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in maalinta Isniinta ee Todobaadka soo socda  maxkamadda Huge ka bilaabaneyso dacwadda la xiriirta Xadgudubka ay Kenya  ka waddo Badda Soomaaliya, isagoo intaa raaciyey in la go’aamiyey in wax wada hadal  ah aan lagala galin Kenya Muranka hadda.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Deyniile oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “Dhageyso”

Next Post

Dhageyso warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee...

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In