Hayada safa Foundation For Da’wa & Devolpment ayaa maanta oo jimco ah u soo gabagabeysay tartan qur’aanka kariimaka in kabadan 200 arday oo kaka la soctatay gobolada Banaadir iyo Sh/dhexe, Sh/hoose , Waxana lagu qabtay Masjidka Abuu Bakar AL-sadiiq ee ku yaala Degmada Wadajir.
Taratankani qur’aanka Kariimka Ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay soo qaban qaabisay Hayada safa Foundation For Da’awa & Devolpment ayaa waxaa aradaydii ku guulaystay kaalama hore la guudoonisiiyay shahaadooyin Iyo waliba abaal marino lacageed.
Gudomiyaha mu’asasada SAFA foundation sh. Maxamed Muuse Maxamed ayaa isagoo goobtaasi ka hadlayey uga mahad celiyey dowrkii waalidiinta iyo macalimiinta ee barbarinta ardayda isagoo u mahadceliyey gudigii tartan siinta ardayda, wuxa uuna kusii daray in ay tartankani kaqeybqaateen arday ka kala socotay sh/dhexe, sh/hoose iyo gobolka banaadir isagoo sii raaciyey tartamada kale ee soo socda in ay sii balaari doonaan.
Sh Asad Nuur C/raxmaan oo ka mid ah Gudiga imtixaanaadka ardayda ayaa waxa Uu ka Warbixiayay maraxaldihii Uu tartankani soo maray .
Gaba gabadii munasabada ayaa waxaa ardaydii kaalmaha ka galay tartanka lagu gudoonsiiyay shahaadooyin iyo Abaalmarino lacageed iyadoo C/samad Xasan Cabdulle oo ah ardaygii ku guulaysatay kaalinta 1 aad ee 30 ka jus la gudoonsiiyay shahaado iyo 500 oo dolarka mareykanka.
Waxaa kaloo shahaadoyin iyo abaalmarino lacageed lagudoo nsiiyey ardaydii kale ee kaalimaha kagalay 20ka jus, 10ka jus iyo 5ta jus ee qur’aanka kariimka.