Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro kormeerey xero lagu daryeelo carruur agoon ah

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wasiiro kormeerey xero lagu daryeelo carruur agoon ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasirka Cadaalada iyo Wasiirka Amniga oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka Asluubta iyo saraakiisha Asluubta ayaa maanta kormeerey xarunta taliska ciidanka, halkaas oo lagu xanaaneeyo carruur agoon ah iyo kuwo ku dacdareysanaa magaalada Muqdisho.

U jeedada kormeerka mas’uuliyiintan ayaa aheyd in deeq isugu jirta raashiin iyo  dhar ah la gaarsiiyo carruurtaas si ay ugu ciidaan maadaama ay maalmo kooban uun ay inaga xigto ciida.

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026

Mas’uuliyiintan maanta xaruntaasi kormeerey ayaa sidoo kale waxaa wehliyay saraakiil ka socota hey’adda ZamZam, ayagoo balan qaaday in daryeelka carruurtan.

Sareeye gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in carruurta halkan ku jirta ay yihiin kuwo taliska ciidanka Asluubta uu xanaaneeyo isla markaana ay u baahan yihiin in daryeel loo fidiyo.

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rasaaq Cumar Maxamed ayaa ugu baaqay hey’adaha samafalka in ay caawiyaan carruurta aan heysan daryeelka ee ku magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan kaligeed ku filneyd xanaaneynta carruurta.

C/laahi Axmed Jaamac oo ah wasiirka cadaalada ee dowladda Soomaaliya ayaa la dardaarmay carruurta derbi jiifka ah iyo kuwo kale in ay ku dadaalaan waxbarashada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku nool carruur aad u fara badan oo aan heysan wax daryeel ah iyadoo taasina ay sabab u tahay carruurtaas oo qoysaska ay ka soo jeedaan ah kuwo sabool ah oo fara maran.

Previous Post

Barnaamijka Nugliyeerka Iran oo heshiis hor u dhac laga gaaray

Next Post

Fadlan Caawi Ilma Yar oo Xanuun Darani Madaxa ka Haleelay oo ku Nool Magaalada Hargeysa “SAWIRRO”

Next Post
Fadlan Caawi Ilma Yar oo Xanuun Darani Madaxa ka Haleelay oo ku Nool Magaalada Hargeysa “SAWIRRO”

Fadlan Caawi Ilma Yar oo Xanuun Darani Madaxa ka Haleelay oo ku Nool Magaalada Hargeysa "SAWIRRO"

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In