Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan oo ah kaalinta saddexaad ee tartanka ku dhexmaray degmooyinka Jawiil iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Jubbada Hoose, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Jawiil iyo Kismaayo waxey noqotay sidan:-
Jawiil
Tartamayaasha Deegaanka Jawiil sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, Su’aalihii todobada ahaa ee la waydiiyay, waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex Su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Waxa ay si ka faa’iideysi u heleen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Kismaayo, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Jawiil ay heleen noqoneysaa 10 dhibcood ( Toban dhibcood).
Kismaayo
Tartamayaasha Degmada Kismaayo waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Labo su’aal, halka ay iska qaldeen Shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha degmada Kismaayo, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Kismaayo ka dhigeysaa inay heleen 4 dhibcood (Afar dhibcood).
Hadaba kulankii 27aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa kaalinta saddexaad ka gashay tartamayaasha Degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenka 28aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona kulanka kama dambeysta ah tartamayaasha degmooyinka Yaaqshiid iyo Baydhabo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay, iyadoo ciddi badisa ay ku guuleysan doonto tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee sanadkan.
Halkan ka dhageyso
Qeybta koowaad ee tartanka
Qeybta Labaad ee tartanka