Waxaa maalintii labaad waddooyinka waa weyn iyo goobaha loo dalxiistago ee gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu arkayaa dadweyne aad u farabadan oo raxan raxan iskula socda, kuwaas oo ay ka muuqato farxada Ciidul Fitriga oo maalinteedii labaad loo dabaal dagayo.
Dadweynahan isugu soo baxay goobaha taariikhiga ah ee gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa wajiyadooda laga dheehan karaa farxad iyo reynreyn, waxa ayna isugu marxabeynayaan farxada ciida iyo nabadgalyada ka hanaqaaday guud ahaan gayiga Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Goobaha ay isugu soo baxeen dadweynahaan ayaa waxaa amnigooda si gaar ah u ilaalinaya ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo u heelan in har iyo habeen ay ka hortagaan cadowga ku mashquulsan baabi’inta farxada shacabka Soomaaliyeed ee u dabaaldagaya qatinka bisha barakeysan ee ramadaan oo ay si hufan u soo guteen.
Dhanka kale gobollada dalka Soomaaliya ayaa si isku mid ah maanta looga dabaal degay munaasabadda ciidul fitriga, iyadoo dhamaan dadweynaha isugu hambalyeynayeen maalina labaad ee ciidda.