Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dalada Waxbarashada ee FENPS oo guddiga samatabixinta qaxootiga Yemen lacag ku wareejisay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dalada Waxbarashada ee FENPS oo guddiga samatabixinta qaxootiga Yemen lacag ku wareejisay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga ka socday Dalada Waxbarashada ee FENPS ayaa maanta deeq lacag ah oo ay ugu talo galeeen dadka Soomaaliyeed ee ka soo cararaya dagaalada ka socda Wadanka Yemen ku wareejiyay guddiga badbaadinta iyo samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha daladda waxbarashad ee FENPS Ibraahim Macalin Xuseen ayaa ka hadlay waxa ay ka koobantahay deeqda lacagta ah oo ay maanta ku wareejiyeen guddiga, isagoo ugu baaqay daladaha kale ay ku deysadaan.

Related posts

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025

“Waxaan u nimid inaan xoogaa lacag yar ah oo aan ugu talo galnay qaxootiga kasoo cararay dalka Yemen inaan soo gaarsiino Walalaheena guddiga samabixinta si ay u gaarsiiyaan gacantii mudneyd, waxaan kaloo ugu baaqayaa dhamaan inta na dhageysaneysa iyo inta na daawaneysa in ay jirto baahi lacageed oo aad u balaaran dadkii kasoo cararay deegaanadaasi, waxay kasoo carareen hantidii ay lahaayeen, waxay u baahanyihiin maanta qof kasta oo Soomaali ah inuu u istaago badbaadintooda  inaan garab istaagno walaalaha isku xilqaamay guddiga oo  u istagaay badbaadinta dadkaas, waxaan wadnaa laca yar oo seddex kun oo doolar oo aan kasoo uruurinay macalimiinta iyo ardayda  dhigata dugsiyada hoos yimaada dalada FENPS” ayuu yiri Ibraahim.

Guddoomiyaha guddiga badbaadinta iyo samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo carayay dalka Yemen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan  ayaa uga mahad celiyay  daladda FENPS deeqdan ay qxootiga Soomaaliyeed ugu talo galeen.

“Aad ayay u mahadsanyihiin waxaan leeyahay Jazaakallaah, arrintan waxa ay ka turjumeysaa Soomaalidu in ay isu gurmato oo ay isu tashato sida diinteenuba ay ku dhisantahay, dadka mu’miniinta ah waa hal qof, kolkoosa oo kale horta hal qof haduu korkiisa xanuunsado kan kalana wuu la xanuunsanaa” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

 

Previous Post

DAAWO SAWIRADA-Ra’iisul wasaare Cumar oo booqday Xarunta Qaxootiga Yaman ee magaalada Qardho “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In