Taliska ciidanka Nabadgelyada waddooyinka ayaa ka jawaabay warar been abuur ah oo website-yada qaar ay ka qoreen ciidanka Ilaalada waddooyinka, isagoo xusay in ciidanka taraafikadu ay bulshada u hayaan adeegyo la xariira ilaalinta shuruucda waddooyinka.
Taliyada Ciidanka ilaalada wadooyinka Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali gab) oo waraysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa gaashaanka u daruuray warar uu qoray Websiteka All banaadir, kaasi oo uu taliyuhu ku tilmaamay in tahay mid been abuur ah oo la doonayo in sumcadda ciidanka lagu waxyeeleeyo.
“Website-ka All banaadir waxaa la soo dhigay, warbixin lagu aflagaadeynayo ciidanka taraafikada, waxaan ka shaqeynaa habsimi socodka qul qulka gaadiidka caasimadda, qaadasha sharuuda, soo xareynta, daqliga ganaaxa, shaqadaas ayay ciidanku qabtaan, qeybteeda koowaad ayaa hadda socoto oo ah ninkan buug ma leeyahay, taargo ma leeyahay, leysin ma leeyahay, waxaa intaas u dheer ma iska bixiyay canshuurta waddooyinka, buuga maka dhacay, ceymis ma leeyahay, haddii shil dhaco waa shaqadeena, marka walaalkeen qoro Website-ka All banaadir intaas ayuu ka soo dhigay inay tahay isbaaro, anagu maku daysaneyno” ayuu yiri Taliyuhu.
Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali gaab) ayaa xusay in ciidanka ilaaalda waddooyinka ay joogaan 30 ka mid ah 52-da isgoys ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay u taaganyihiin ilaalinta sharciga, isagoo ayaan darro ku tilmaamay in ciidan gudanaya waajibaadkooda shaqo, laga been abuurto, isla markaana laga qoro qormooyin lagu waxyeeleynayo sumcadda ciidanka.